laalada xeebaha ee Japan ayaa sii wada hawlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ah ee helikobterka millatariga Japan ah oo laga waayay raadaarka khamiistii meel u jasiiradaha koonfur-galbeed ee dalkaas ee xiga Taiwan.
Wasiirka Difaaca Yasukazu Hamada, oo ilmaynayey markuu hadlayey, ayaa sheegay in aan la helin mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ee la la’aa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.
Yasunori Morishita, oo ah madaxa ciidamada difaaca dhulka ee Japan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii ku sheegay in diyaaradda helicopter-ka ee Black Hawk la rumeysan yahay inay ku burburtay badda ka dib markii walxaha u muuqda inay yihiin qaybo diyaarad lagu arkay aagga.
Saraakiil ka tirsan ciidamada GSDF ayaa sheegay in diyaaradan ay saarnaayeen 10 qof, ayna howlo ilaalo ah ka waday meel u dhow jasiirada Miyakojima, oo qiyaastii 400 KM dhanka bari kaga beegan Taiwan. Diyaaradda ayaa ka luntay raadaarka 4:33 galabnimo wakhtiga maxaliga ah ee Khamiistii umanay jawaabin isgaadhsiinta raadiyaha.
Maraakiibta ilaalada xeebaha Japan ayaa loo soo diray goobta si ay ciidamada GSDF ugula biiraan baadhitaanka. Sarkaal ka tirsan difaaca Maraykanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada Maraykanka ay taageero u fidiyeen howlgallada goobidda iyo samata bixinta.
Saraakiisha ayaa sheegay in diyaaradda Helicopter-ka ay ka soo duushay Miyakojima ka hor 4-tii galabnimo, waxaana la qorsheeyay in ay ahayd in ay dib ugu soo laabato jasiiradda wixii ka dambeeya 5 galabnimo.
Jariiradda Japan Times oo soo xiganeysa Wasaaradda Difaaca, ayaa ku warameysa in Diyaaradda Helicopter-ka ay ku sugan tahay Xerada GSDF ee Camp Takayubaru ee ismaamulka Kumamoto, waxaana la socday Laba Duuliye, Laba Makaaniko iyo Lix Shaqaale ah, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Ciidamada Isdifaaca.
Helicopterka ayaa dabayaaqadii bishii March samaysay kormeer badbaado oo caadi ah, AP ayaa sheegtay.
Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida oo warbaahinta kula hadlay magaalada Tokyo ayaa sheegay in dowladdu ay ahmiyadda ugu badan siineyso nolosha bini’aadamka iyo howlaha samata bixinta, wuxuuna sheegay in wasaaradda gaashaandhigga ay dabagal ku sameyn doonto.