Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay wefdi ka socda Somaliland

0
215

Jabuuti-(Dawan):-  Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiye-xigeenka koowaad ee Wakiiladda, ahna ku-simaha Gudoomiyaha Mudane Siciid Mire Faarax Giire.

Kulankaas oo u soo qabanqaabiyey Safiirka Somaliland  ee dalka Jabuuti Mudane. Cabdifataax Siciid Axmed ayaa waxa Gudoomiye-xigeenka Mudane Giire ku wehelinayey xildhibaan Cabdikariim.

Kulanka Madaxweynaha Jsabuuti iyo wefdiga Somaliland ayaa  lagaga wada hadlay xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee ku dhisan walaalnimada labada shacab.

Dhinaca kale wefdiga gudoomiye-xigeenka Wakiilada Somaliland md. Giire oo booqasho ku tegay xarunta baarlamaanka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay gudoomiye-xigeenka Wakiilada Jabuuti, oo lagaga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa isku soo dhowaansho shaqada labada baarlamaan.

Waxa kale oo  wefdigu ay  oo booqasho ku tegeen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Jabuuti u uu ku qaabilay Wasiirka Waxbarashada oo faahfaahin ka siiyey shaqada wasaarada.

Leave a Reply