Ummad waliba waxay ku Horumartaa lexejecladda ay u leeyahay dalkeeda.”Wasiir Maxmed Xaaji

0
116

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in ummad kasta  oo adduunka ku nool inay ku horumaraan lexejeclada uu qofku u leeyahay dalkiisa, iyo dadkiisa.

Iyadoona looga baahan yahay qof kastoo muwaadin ah inuu dareemo lahaanshiyaha dalkiisa  Wiilka yar, iyo Gabadha yar ee soo koraysaa.

Sidaasi darteedna qofka kastoo muwaadin ah ay waajib ku tahay inuu wax kastoo xun qarankiisa ka difaaci karo, isla markaana wax kastoo wanaagsan na inuu qarankiisa u hor seedi karro.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ku sheegay warbixin uu telefishanka qaranka JSL ka diyaariyay halka ay marayso barnaamijka barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda, oo ay waddo wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland.

Waxaanu wasiirku ka warbixiyay halka uu barnaamijkaasi marayo, iyo sidoo kale tiradda dhalinyaradda, iyo masuuliyiinta dawladda ee ay ku tababareen.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo faah-faahin ka bixinayay qiimaha ay leedahay in dhalinyaradda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda la barro Dastuurka, iyo Waddaniyadda, waxa uu yidhi “Ummada wali ba waxay ku horumartaa lexejecladda uu qofku u leeyahay dalkiisa, iyo dadkiisa. Waa inuu dareemo lahaanshiyo, Wiilka yar, iyo Gabadha yar ee soo koraysaa. Wax kastoo xun waa inuu qarankiisa ka difaaci karaa, wax kastoo wanaagsan na waa inuu qarankiisa u hor seedi karaa.
Taana wuxuu ku gaadhi karaa, ku dhaqanka Dastuurka, ku dhaqanka sharciga, iyo barashadda waddaniyadda.
Waana sababta aanu ugu soo xulnay masuuliyiintani in ay ka qalin jebiyaan barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda. Waxaanan is leeyahay waa isbedel la taaban karro oo qaranku gaadhay”.

Wasiirka oo la waydiiyay su’aal ahayd in ay u qorshaysan tahay in Manhajka waxbarashadda dalka lagu darro barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda, waxa uu ku jawaabay.
“Haa, way ku jirtaa manhajkaa waxbarashadda dalka. Waxaanan rejaynaynaa inuu ka mid noqdo Maaddooyinka dugsiyadda lagu dhigto, maaddo ka mid. Waana mid ku jiray waxbarashadda ardayga ilaa heer jaamacdeed. Ma na aha wax adduunyadda ku cusub, balse waa wax adduunyadda badankeedu isticmaasho.

Waxaana noo suurto gashay in la diyaariyo manhajkaasi, oo aqoon yahanka reer Somaliland, iyo jaamacadaha dalka oo ay hogaaminayso jaamacadda Hargaysa, jaamacadda Boorama, jaamacadda Burco, iyo dhamaanba jaamacadaha kale ee dalka ay ka qayb qaateen” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Taasina waxay inoo suurto gelisay in sanadkii hore aanu ku darnay manhajka jaamacadaha dalka. Iyadoo na uu madaxweynuhu daah-furay, jaamacaduhu na ay ka qayb galeen, imika na jaamacadaha lagu dhigto.

Waxaanu imika gacanta ku haynaa, oo aanu rejaynaynaa in aanu dhamaystirno sanadkan, oo ay wasaaradda iyo jaamacadda Hargaysa, ay iska kaashanayaan in manhajka waxbarashadda dugsiyadda Hoose, Dhexe, iyo Sare ba lavu darro, barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda.
Taasoo inoo sahlaysa in Ubadkeena mustaqbalku ay noqdaan kwo soo bartay, oo ku soo ababbay Dastuurka, iyo Waddaniyadda, oo aan u baahnayn siminaarradan oo kale. Kaasoo noqonaya qof garanay waajibaadka, iyo xaqa dalkiisu ku leeyahay, xaqa uu isagu ku leeyahay, iyo waxa laga rabbo. Taasoo inaga yaraynaysa dhamaanba waxyaabaha dib u dhaca ah, iyo waxyaabaha denbiyadda ah.

Taasina u jeedadeedu waxay tahay in la helo bulsho faham dheer u leh, Waddaniyadda, iyo Dastuurka. Ixtiraamaysa na, qaynuunka iyo kala danbaynta. Taasoo fududaynaysa waajibaadka dawliga ah in la guto”.

Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in ay tababarro ku saabsan barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda ay siiyeen agaasime-waaxeedyadda wasaarradaha dawladda, saraakiisha, iyo dhalinyaro kale oo boqolaal ah.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa fariin la xidhiidha barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda u diray bulshadda reer Somaliland.
“Waxaan leeyahay qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Somaliland diyaar baanu u nahay in aanu idin barno Dastuurka, iyo Waddaniyadda. Idinkuna diyaar u noqda in aad barataan, oo aad ajiibtaan” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Leave a Reply