Taliyaha Booliska oo kormaaray Carwada Huteel Guuleed ee Hargeysa.

0
99

Hargeysa(Dawan)Taliyaha Ciidanka  Booliska Somaliland Sarreeye Gaas  Maxamed Aadan  Saqadhi Dabagale ayaa soo kormaaray Carwada Bisha  Ramadaan laga furay  Huteel Guuleed   ee  Magaalada Hargeysa.

Sarreeye Gaas   Maxamed Aadan  Saqadhi ayaa  sheegay in Carwada Huteel Guuleed ay ka mid tahay horumarka uu dalka gaadhay.Waxaana uu yidhi”Waxa aan  leeyahay   dadka qiimaha  halaga jabiyo farxad iyo amni halagu Ciido,waxaanay ka  mid   tahay Carwadan Guuldeed  Hoteel horumarka  uu dalkeenu  gaadhay.waanan ku hambalyaynayaa  Huteel  Guuleed,”.

Sidoo kale Mulkiilaha Huteel  Guuleed  Cali Guuleed ayaa waxa uu tilmaamaay bil kasta oo Ramadaana Carwada laga  furo Huteel Guuleed.Waxaana uu yidhi”Waxa joogta Carwadan Ganacsato aad u badan oo Dumar u badan, bil  kasta oo Ramadaana waalaga  furaa Carwada halkan si dadka  soomani uga  adeegtaaan.dan tuna  waxa ay ku jirtaan iyaga oo ka  faa,iida adeeg  hufan iyo  wax  jaban,”.

 

Leave a Reply