Wasiir Kaahin oo Qaabiley Lizzia Walker Wakiilka dawladda Boqortooyada  Ingiriiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland.

0
288

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, maanta xafiiskiisa ku qaabiley Lizzia Walker Wakiilka dawladda Boqortooyada  Ingiriiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiskiisa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa labada dhinac ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriisku ay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dhinac, sidii la iskaga kaashanlahaa amniga iyo xasiloonida dalka.

Kulanka wasiirka iyo wakiillka waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland    Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa masuuliyiintaasi waxa kulankoodaasi ku soo dhammaaday jawi is afgarad.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa hore sidan oo kale ugu qaabiley qaar ka mida wakiillada Somaliland u jooga waddamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta dhaw ay leeyihiin.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa uu wakiillada waddamadaasi u sheegay in aanay qadiyada gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland marnaba aanay   gorgortan galayn.

 

 

Leave a Reply