Gegida dayuuradaha ee Buenos Aires oo noqotay meel ay ku hoydaan Derbi jiifku

0
178

Badhtamihii usbuuca dheer ee ciida Easter-ka ayaa lagu jiraa, gegida dayuuradaha ee caasimadda Argentina waxay ku jirtaa Waaberigii aad ayey u xasilloon waxa la sugayaa shaqaalihii iyo dadka safarka ah. Ilaa 100 qof oo ku seexda gudaha xarunta oo aah hoy lahayn ayaa isu diyaarinaya inay bilaabaan maalintooda.

Mid ka mid ah waa Ángel Gómez, oo ku noolaa garoonka caalamiga ah ee Jorge Newbery muddo laba sano ah, wuxuuna arkay sida tirada dadka ku soo biiraya ay kor ugu kacday.

“Masiibadii COVID iyo Masiibada Sicir bararka ee socota ka dib, duullaan wadareed ayaa lagu soo qaaday garoonka,” ayuu Gómez yidhi horraantii Khamiista isaga oo ag fadhiya calaamad lagu xayeysiin ah (glacier Perito Moreno), oo dhiiri gelinaysa soo jiidashada dalxiiska ee gobolka Patagonia.

Iyada oo rakaabka iyo shaqaalaha garoonkuba ay bilaabeen inay yimaadaan aroortii hore, daraasiin dad ah ayaa weli hurda, qaarna waxay ku fadhiyaan kuraas, qaarna dhulka. Qaar baa bustayaal huwan, laakiin qaar badan ayaa si toos ah dhulka u jiifa, oo ku daadsan gegida dayuuradaha iyada oo alaabtoodiina ag taalo.

Gegidan dayuuradaha, oo loo yaqaanno Aeroparque, ayaa si dhab ah u noqday hoy dadka aan hoyga lahayn habeenkii. Marka ay rakaabku bilaabaan inay yimaadaan, qaar ka mid ah kuwa habeenkii ku hoyda waxay u baxaan inay maalintooda oo makhaayadaha ayey ku qaataan, kuwa kalena garoonka dayuuradaha ku dhex jiraan, qaarna waxay ku fadhiistaan ​​kuraasta oo waxay ku dhex milmeen dadka socotada ah.

Waa muuqaal muujinaya saboolnimada sii kordheysa ee ka jirta iyada oo uu sicir-bararku marayo heer ay ku adag tahay in dad badani ay helaan nolol maalmeedkooda.

“Haddii aan bixiyo kirada, ma helayo waxaan cunto ku iibsado. Haddii aan cuntada iska bixiyana ma helayo wax aan kirada ku bixiyo oo waa in aan waddada seexdaa,” ayay tidhi Roxana Silva, oo garoonka diyaaradaha kula nool ninkeeda, Gustavo Andrés Corrales, muddo laba sano ah.

Silva waa hawl gab waxaana ay qaadataa hawlgab dawladeed oo dhan 45,000 pesos,(lacagta dalkaas) taas oo u dhiganta ilaa $213 waxa lagu siiyaa qiimaha sarifka rasmiga ah ee dawlada,  laakiin suuqa madow sarifku intaa wuu ka badan yahay.

“Ma haysto wax igu filan oo aan ku noolaado,” Silva ayaa ku calaacashay. Waxa ay sheegtay in iyada iyo ninkeedu ay hurdada isu beddelaan si uu qof mar u ilaaliyo waxaan sidano hadii kale waa la qaadanayaa”.

Dad badan oo reer  Argentine ah ayaa xaaladdoodu tahay sida Silva oo kale iyada oo sicir-bararku uu sii xumaanayo, bishii February waxa uu gaadhay heerkii ugu sareeyey 102.5% boqolkiiba. Waa markii ugu horreysay ee kor u kaca sannadlaha ah ee qiimaha sarifku uu gaadho saddex laab tan iyo 1991-kii.

Sicir bararkan sareeyo ayaa si gaar ah loogu soo hadal qaaday cuntooyinka aasaasiga ah, iyada oo dadka danyarta ah ay aad u saameysay. Heerka saboolnimada ayaa kor u kacday boqolkiiba 39.2% dadweynaha qeybtii labaad ee 2022, koror ah boqolkiiba seddex dhibcood lixdii bilood ee ugu horreeyay sanadka, sida ay sheegtay wakaaladda tirakoobka qaranka Argentina, INDEC. Carruurta ka yar da’da 15, heerka faqriga ayaa kordhay in ka badan boqolkiiba saddex dhibcood ilaa 54.2%.

Horacio Ávila, oo maamula urur u heellan caawinta dadka darbi-jiifka ah, ayaa ku qiyaasay tirada dadka aan guryaha lahayn ee caasimadda Argentina inay kor u kacday boqolkiiba 30% tan iyo 2019, ka dib markii isaga iyo ururo kale ay fuliyeen tiro aan rasmi ahayn.  7,251 qof ayaa derbi jiif ku ah magaaladan oo ay ku nool yihiin 3.1 milyan. .

Laura Cardoso ooh al sanno ku noolayd garoonka waxay si toos ah u aragtay korodhka dadka ee sannadkii ay ku noolayd garoonka dayuuradaha “iyada oo ku fadhida” kursi curyaan. “Dad badan ayaa hadda soo galay,” ayey tidhi Cardoso iyada oo ay la socdaan labadeeda Ey oo ay sheegtay inay ku adag tahay inay hesho meel ay ku noolaato sababta oo ah qofna ma rabo inuu ka kireeyo guri.”

Mirta Lanuara way ku cusub tahay gegida dayuuradaha qiyaastii hal toddobaad oo keliya ayey joogtaa. Waxay tidhi “Waxaan ku dooratay madaarka sababta oo ah waa nadiif”.

Teresa Malbernat, oo 68 jir ah, ayaa iyaduna ku nool garoonka diyaaradaha muddo laba bilood ah, waxayna sheegtay in garoonku ka ammaan badan yahay guryaha magaalada, halkaas oo ay sheegtay in laba jeer lagu dhacay.

Shirkadda Argentine ee maamusha garoonka diyaaradaha, AA2000, ayaa sheegtay in aanay lahayn awood booliis” iyo “awoodda dadkan ka saarta”  iyada oo sidoo kale sheegtay in aanay cidna katakoorayn in la gaboodsado garoonka”. Elizabet Barraza, oo 58 jir ah, ayaa ka mid ah dadka guri la’aanta ah ee ku nool garoonka diyaaradaha waxay dooratay in ay u haajirto Faransiiska, halkaas oo mid ka mid ah gabdhaheeda ay ku nooshahay shan sano.

“Waxaan tegayaa halkaas sababta oo ah xaaladda halkan waa mid adag,” Barraza ayaa tidhi iyada oo sugaysa inay raacdo diyaaradeeda. “Mushaharkaygu kuma filna inaan kiraysto. Xitaa haddii ay kordhiyaan mushaharka, sicir-bararka ayaa aad u sarreeya markaa kuma filna mararka qaarkood in la kiraysto oo lagu noolaado.”

“Ma doonayo inaan soo laabto,” Barraza ayaa yidhi.

 

Leave a Reply