Ra’iisal wasaarihii hore ee Talyaaniga Berlusconi oo cisbitaal ku jira

0
236

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa weli ku jira cisbitaal, laakiin “waa ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa,” ayuu tidhi saaxiibkiis Fedele Confalonieri oo Jimcihii ka dib ku booqday isbitaalka, halkaas oo laga daweynayo caabuq sambabada ah oo uu keeno kansarka joogtada ah.

86-jirka maalqabeenka ah ayaa loola cararay cisbitaalka San Raffaele ee magaalada Milano Arbacadii, taas oo keentay in la isla dhex maro in noloshiisa ay khatar ku jirto oo ay dad badan oo qoys iyo asxaab ah ay soo buuxiyaan Cisbitaalka.

Dhakhaatiirtiisa ayaa sheegay Khamiistii in uu la ildaran yahay cudurka leukemia  in muddo ah” iyo in uu dhawaan ku dhacay caabuq sambabada.

Confalonieri, oo ka mid ah dadka mudada badan ka soo shaqeeyay ganacsiga Berlusconi, ayaa maalintii labaad ku booqday Dhakhatarka. Markii la waydiiyay in uu rajo ka qabo iyo in kale, waxa uu ku jawaabay: “Haa.”

Dhammaan shanta carruur ah ee Berlusconi ayaa sidoo kale tegay isbitaalka galabtii si ay u arkaan isaga. Midkoodna lama hadlin wariyayaashii sugayay, laakiin wiilkiisa ugu yaraa ee Luigi ayaa suul kor u taagay markii uu ka baxayay cisbitaalka.

Saaxiib kale, oo ah tifaftire ka ah wargeyska Il Giornale Augusto Minzolini, ayaa qoray Jimcihii in Berlusconi uu ku xaqiijiyay taleefan uu kula hadlay inuu soo kabsanayo doono. “Waa adag tahay ayuu yidhi, laakiin waa la tacaalayaa,” Minzolini ayaa ka soo xigtay isaga oo leh.

Dad aad u jecel ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee cisbitaalka Milano si ay u muujiyaan taageeradooda, waxaana ka mid ah Ruggiero Sutto oo 90 jir ah, kaas oo sheegay in uu la ildaran yahay kansarka dhiigga oo la mid ah.

“Waxyaabahani waa iska caadi da’ gaar ah mooyee,” ayuu u sheegay Reuters. “Waan hubaa inuu ku guuleysan doono sababta oo ah waa nin adag, iyo sababta oo ah waa ra’iisul wasaarihii ugu fiicnaa ee aan haysano Talyaaniga, haddii ay dhammaantood ahaan lahaayeen isaga oo kale, Talyaanigu wuxuu noqon lahaa waddan weyn.”

Saaxiibka Berlusconi, Vittorio Sgarbi, ayaa sheegay ka hor inta aanu isbitaalka gelin in ay labadoodu ka wada hadleen mustaqbalkiisa. “Hadda waxaa jiri doona isbedel taariikhi ah, Berlusconi wuxuu diiradda saari doonaa qoyskiisa in ka badan siyaasadda,” Sgarbi ayaa u sheegay Rai Radio.

Xisbiga Berlusconi ee Forza Italia ayaa qeyb ka ah isbaheysiga garabka midig ee ra’iisul wasaare Giorgia Meloni, inkasta oo aanu door toos ah ku laheyn dowladeeda.

Ma aanu magacaabin nin dhaxal ah oo uu ku fadhiyo hogaanka xisbiga, waxaana aad u cad in kooxdisu ay isku qabsan karaan hadii uu meesha ka baxo.

Leave a Reply