Shaqada Dekedda Berbera waxay Maraysaa Halkii ugu Sarreysay.” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

0
195

 

Berbera-(Dawan):- Xukuumada ayaa shaaca ka qaaday in shaqada Dekedda Berbera wakhtigan in ay marayso halkii ugu sarreysay isla markaana aanay jirin wax hoos u dhac ah oo ku yimi shaqadii Dekedda Berbera.

 

Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaaca ka qaaday in dhoofka xooluhu sare u kacay marka loo eego sannadkii hore.

 

Mudane. Saylici iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Berbera ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter ku sheegay, “Waxaan booqday dekedda Berbera oo ay maamusho DP World Waxaan kulan la qaatay maamulka sare iyo guddoomiyaha maamulka dekedda.

 

Madaxweyne-xigeenka ayaa fariintiisa raaciyey in dhoofka xooluhu sare u kacay, isagoo yidhi, “Waxa la ii sheegay in dhoofka xooluhu uu kordhay 10% marka loo eego sannadkii hore, isla markaana ay hadda dekeddu si buuxda u socoto.”

 

 

Leave a Reply