Somaliland iyo Itoobiya oo ka wada hadlay iskaashiga ammaanka iyo Ganacsiga

0
243

Hargeysa-(Dawan); Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inuu Safiirka Itoobiya kala xaajooday iskaashiga ammaanka iyo ganacsiga.

Md. Cabdiqani oo fariin ku baahiyey bartiisa Twitter shalay ayaa sheegay inuu xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiir Daliil Kadir Bushra, isagoo yidhi,

“Xafiiskeyga maanta, (shalay) waxaan ku qaabilay booqasho sharaf leh H.E. Daliil Kadir Bushra, Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland. Iyadoo ay weheliso u-qaybsanaha Difaaca.

Md. Caateeye ayaa hadalkiisa sii raaciyey,  “waxaanu ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi, dhaqanka, amni iyo iskaashiga labada dal ee deriska ah.

Leave a Reply