Dadku waxay dawooyinka qaadanayeen 3,000 oo sano ka hor. Daraasad laga helay gudaha Spain ayaa tilmaamaysa

0
180

Dadku waxay isticmaalayeen dawooyinka loo yaqaano hallucinogen qiyaastii 3,000 oo sano ka hor, sidaana waxa lagu sheegay cilmi-baadhis cusub.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in timo ka soo baxay goob lagu aaso oo ku taala magaalada Menorca  ee dalka Spain ay muujinayso in xadaaradii hore ee aadamaha ay isticmaali jireen dawooyin laga soo saaray dhirta iyo kaymaha.

Waxaa la rumeysan yahay inay tahay caddaynta tooska ah ee Yurub ee tilmaamaysa in ay Yurub tahay ta ugu da’da weyn dadka qaata dawooyinka hallucinogenka oo ah dawooyinka loo isticmaalo murqaanka.

Waxay ka heli jireen murqaan iyo dhalanteed, sida cilmi-baadhayaashu ay heleen.

Natiijooyinkan oo lagu daabacay Joornaalka warbixinta Sayniska, ayaa muujiyay calaamadaha xidhiidhka bini’aadamka ee  dawadan in laga helay godka Es Càrritx, ee Menorca oo dhinaca koonfur-galbeed ee Spain ah.

Godka waxaa ku jira in ka badan 200 oo qabuuro bini’aadmi ah, waxaana la rumeysan yahay in ay yihiin xabaalo dhaqameed dadka lagu aasi jiray qiyaastii 600 oo sano ama ilaa 800 dhalashadii Nebi Ciise ka hor(cs).

Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in walxaha, lagu arkay dadka dhintay  lagu arkay waxyaabo muujinaya in ay isticmaali jireen dawooyinkaas oo dhirta laga sameeyey. Caadooyinka  xilliyadii hore ee qadiimiga ah oo laga yaabo inay ka yimaadaan wax ka badan hal qof, saddex walxood oo nafsi ah ayaa raadkoodu ugu badnaa sida Saynis yahanadu sheegayaan.

Waxa ka mid ah waxlaha loo yaqaano atropine iyo scopolamine, kuwaas oo keeni Murqaan, sidoo kale waxa saynisyahanadu heleen ephedrine, taas oo kor u qaada tamarta jidhka iyo feejignaanta.

Cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale xuseen in godka laga helay weelal ay ku xardhan yihiin waxyaabo wareeg ah oo daboolka lagu xardhay. Culimada qaar, ayay warbixintu sheegtay, inay tani u arkeen inay u taagan tahay “xaalado miyir-beeleed ee qofka” iyada oo ay hoos imanayso saamaynta hallucinogens ama Murqaanka.

Caddayntii hore ee isticmaalka daroogada taariikhdii hore ee Yurub waxay ku salaysnayd caddayn aan toos ahayn oo ka timi muuqaalka dhirta daroogada oo lagu muujiyey sawirada farshaxanka.

 

 

Leave a Reply