Arday ka Socotay Somaliland oo Kaalmaha Hore ka Galay Tartanka Quraanka oo lagu Qabtay Jabuuti

0
121

Jabuuti (Dawan): Tartanka quraanka kariimka ah oo sanad kasta bisha Ramadaan lagu qabto dalka Jabuuti, ayaa sanadkan waxaa ka qayb galay arday ka socotay Somaliland.

Ardayda ka socotay Somaliland oo tiradoodu ahayd saddex arday, ayaa tartankaasi kaga qayb galayay 30-ka Jis, 20-ka Jis, iyo 10 Jis.

Qabashadda tartanka  quraanka kariimka ee Jabuuti  waxaa sanad kasta soo qaban qaabisa wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta Jabuuti waxaana ka soo qayb gala dalal badan

Dalalkii tartankankaasi quraanka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Yemen, Suudaan, Somaliland, Kenya, Tanzania, Uganda, iyo dalal kale oo islaam ah.

Xaflad lagu abaalmarinayay ardaydii tartankaasi kaalmaha hore ka gashay, waxaa ka qayb galay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdifataax Siciid Axmed.

Waxaanu safiirku abaalmarihii loogu tallo galay guddoonsiiyay ardaydaasi ka socday Somaliland markii ay soo dhamaatay xafladu.

Tartankan quraanka ee ka dhacay magaaladda Jabuuti, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Diinta, iyo Awqaafta, ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Dalalkii tartankan quraanka ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Yemen, Suudaan, Somaliland, Kenya, Tanzania, Uganda, iyo dalal kale oo islaam ah.

Cabdifataax Siciid Axmed, danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, ayaa u hanbalyeeyay saddexda arday ee tartankaasi ka qayb galay, iyo guusha ay gaadheen.
Waxaanu Cabdifataax, ku amaanay dawladda jamhuuriyadda Jabuuti, qabashadda tartankaasi quraanka kariimka ah.

Waxaanu yidhi, “Waan ku amaanayaa dawladda jamhuuriyadda Jabuuti, oo tartankan quraanka sanad kasta bisha Ramadaan, qabata. Waana sanadkii 23-naad, ee tartankaasi la qabto.

Aad iyo aad baanu ugu faraxsan nahay in anagoo Somaliland ah aanu tartankani sanadkii 5-naad ka qayb gelayno. Xagga hore ayaanay ka galeen ardayda Somaliland ka socotay tartanka 30-ka Jis. Waanan ugu hanbalyaynayaa in ay kaalmaha hore ka galeen tartankaasi”.

Geesta kale ardayda Somaliland ka socday ee tartankaasi quraanka ka qayb galay ayaa iyag na dareenkoodda ka hadlay.
Waxaanay sheegeen in ay kaalmaha hore ka galeen tartankaasi, isla markaana waxay dawladda Jabuuti, uga mahad celiyeen qabashadda tartankaasi.

“Waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti, iyo dawladiisa, oo tartankani noo qabtay. Waxa kaloo aan isna u mahad celinayaa safiirka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Somaliland dhawr jeer ayay tartanka quraanka ee Jabuuti, ka qayb gashay, mar kasta na kaalmaha hore ayay ka galaan” ayuu yidhi mid ka mida ardayda ka socday Somaliland ee tartankaasi ka qayb gala

Leave a Reply