Taliyaha Ciidanka Qaranka oo kulan kala yeeshay Safiirka Itoobiya ee Somaliland

0
205

Hargeysa(Dawan):-Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland  Sarreeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa kulan lagaga wada hadlay iskaashiga ammaanka la yeeshay masuul ka socda dalka Itoobiya.

Kulan shalay ka qabsoomay  taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ayuu Taliye Nuux ku qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Dalil kadir Bushra oo uu wehelinayo u qaybsamaha difaaca (Military attache),

Kulanka Taliyaha Ciidaanka Qaranka iyo Safiirka Itoobiya ee Somaliland ayaa lagaga  wada hadlay sidii loo xoojin lahaa, iskaashina looga yeelan lahaa Xoojinta Amniga, Labada Wadan.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranka & Safiirka Cusub ee Itoobiya isbarasho u ahaa.

 

Leave a Reply