Puntland Waxay Gudashadii Waajibka Shacabkeeda ka Dooratay Hurinta Colaadda Somaliland ” Danjire Kaysar

0
276

Hargeysa(Dawan):-Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Somaliland Md. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa sheegay in maamulka Puntland dayacay waajibaadkii ka saarnaa bulshadooda, kuna foogan tahay hurinta colaado dad walaalo ah.

Qoraal Safiir Kaysar soo saaray oo warbaahinta qaarkood baahiyeen ayaa u dhignaa sidan;

Magaalooyinka Puntland waxaa cashuurta ka urursada kooxaha Daacish, halka uu maamulkaasi ku fooggan yahay hurinta colaada dad walaalo ah oo ay mudnayd inay nabadooda ka shaqeeyeen. Dhinaca kale colaada Laascaanood waxay daaha ka fayday oo ay qaawisay Maamulka Puntland oo ay tustay inaanay lahayn Ciidamo Qaran, balse ciidankoodu yahay ciidan beeleed uu qabiilba qayb gaar u leeyahay ciidankooda taasoo aad arkayso in qabiil kastaa uu isagu ciidankiisa gaar u maamulo una soo dirayo Laascaanood iyaga oo qabiilkooda metelaya.

 

Safiir Keysar ayaa sheegay in Somaliland dhisteen Ciidan Qaran, isla markaana soo dhaafeen xilligii ciidan beeleedyada, isagoo yidhi, “Somaliland waxay ciidan beeleedyada soo dhaaftay 1997 markii la dhisay ciidan qaran oo middaysan oo la isku daray ciidankii dawlada, xiligaas ayaanu si rasmi u dhismay Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland ee maanta jira.

Puntland waxay sheegtaa inaanay dagaalka Laascaanood qayb ka ahayn, laakiin dadka Somaliland la dagaalamayaa ay yihiin maleeshiyaad beeleedyo SSC ah.

 

 

 

 

Leave a Reply