Dalka Sri Lanka oo shiinaha u dhoofinaya 100 kun oo danyeer.

0
260

Hargeysa (Dawan) Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay Shiinaha u dirto daanyeer gaaraya 100,000.

wasiirka beeraha Sri Lanka, Mahinda Amaraweera ayaa sheegay in hadda ay socdaan wahadallada Shiinaha loogu dirayo daanyeerka kadib Shiinaha uu soo codsaday in loo soo diro 100,000 oo daanyeer oo ku nool dalkaas.

Shiinaha wuxuu qorsheynayaa in daanyeeradan uu geeyo 1000 kamid ah goobaha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee ku yaalla halkaas.

Wasaaradda arrimaha beeraha ayaa qorshahan faahfaahin ka bixisay 11-ka bishan April, kulan ka dhacay dalkaas oo looga hadlayay dhoofinta daanyeerka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay waaxda duurjoogta iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Sri Lanka ayaa go’aansatay inay sameyso guddi gaar ah oo qaabilsan arrintann. Guddigani waxay isla meel dhigi doonaan qodobada sharciga ee ku gadaaman daanyeerka faraha badan ee loo dirayo Shiinaha.

Leave a Reply