Xuska maalinta Dhirbeerista Qaranka ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilladda Somaliland

0
179

Hargeysa (Dawan) Xuska maalinta Dhirbeerista Qaranka ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilladda Somaliland, waxaana hal ku dhig looga dhigay dhirtu waa huga dhulkeena aan dhawrno.

Wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in 15 cisho ka hor la qaybiyay dhirtii ay wasaaraddu beertay,  waxaa ay intaas ku dartay in lixda gobol ee waa weyn ee dalka laga qaybinayo dhirtan, waxaaney bulshada ka codsatay in dhirta lacag la’aanta ah ee tacabka badan lagaliyay laga faa’idaysto.

Geesta kale waxa ay bulshada ku hawlan goynta dhirta ugu baaqday in geedka Garanwaaga laga faa’idaysto, isla markaana dhuxul laga dhigo si dhirta xero udhalanka ahi ay ubadbaado.

Axmed Ibraahim Warsame (Axmed Xaaji) agaasimaha waaxda Dhirta iyo Daaqa   ayaa sheegay in sannadkan ay ka wasaarad ahaan ugu talo’galeen in munaasibadan awgeed ay dalka gaadhsiiyaan in ka badan saddex boqol iyo afartan kun oo geed, kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan dhirta, waxaanu bulshada ku wargeliyay in ay ka qaataan xarumaha wasaaradda ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Maxamed Cabdilaahi Ducaale  ayaa sheegay in xuskan looga go’leeyahay sidii dareenka bulshada loogu jeedinlahaa ilaalinta deegaanka, waxaanu bulshada qaybaheeda kala duwan ku boooriyay in ay ka faa’idaystaan xilli roobaadka isla markaana   xil weyn layska saaro beerista dhirta.

Leave a Reply