Somaliland: Khatarta Suuliyada iyo Bullaacadaha

0
198

Khamiistii aynu soo dhaafnay waxa musqul la duntay ku geeriyootay Hooyo Xaamilo ahayd oo magaceeda la odhan jiray Alle haw naxariistee Samiira Maxamed Cabdiraxmaan xaafada Sh. Nuur (Killalka) ee magaalada Hargeysa. Marxuumada ayaa ahayd Hooyo dhashay 7 Carruur ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay laamaha amaanka.

Shilkan naxdinta leh ayaa dhacay abaaro 2:00 habeenimo. Waxaana ka soo saaray marxuumada godkaasi  Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo markii Qaylo dhaantaa la soo gaadhsiiyay si degdega ah u gaadhay goobtaas.

Sida lagu sheegay warbixin ay Ciidanku soo saareen  marxuumada ayaa markii uu godku la dumay Quustay musqusha oo buuxday, sidoo kale waxaa iyaduna ku duntay sabbadii dusha ka saarnayd.

Warka soo baxay Ciidanka Dabdemiska waxa uu intaasi ku daray farriin wacyigelin ah, taasoo ah in bulshadu ay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.

 

Dhacdadani maaha tii koowaad ama u horaysay ee noocan ah oo sababtay naf baxday, waxaana xaqiiqo ah in hore loo diwaangeliyey kiisas hore oo lamida, iyadoo haddii aan taxadir iyo talaabooyin deg deg ah oo wax lagaga qabanayo la samayna ay noqon doonto dhibaato soo noqnoqota  dad badani innagaga baxaan.

Waxaana la yaab leh in aanay wax war ah ama fal-celin ah ka soo saarin dhacdadan dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, heer gole ilaa iyo heer waaxeed, waxaana muuqata inay moog yihiin masuuliyiinteedu in waajibkooda iyo xilka ay umadda u hayaan gudashadiisu ay saameyn ku leedahay falalka noocan ah. Sidaasna waxay kala siman yihiin dawladdaha hoose ee dalka oo dhan, sida ay badan yihiin.

 

Sida uu dabka u yahay khatar ka dhalata qorshe xumada iyo farsamo xumo ka timaada Korantada guryaha la geliyo, birraha iyo agabka kale ee loo isticmaalo gudbintiisa, sidoo kale marka ay Roobabka waaweyni da’aan daadka ka dhashaa u sababaan geerida naxdinta leh ee qof doox qaaday ama dad gaadhi ku dhex tuuray Biyo qulqulayo oo xoog leh, ayey ka sii halis badan yihiin damista musqulaha iyo Bullaacadaha qashinka qoyan aynu ku asturnaa.

Sababtoo ah tani waa khatar guri kasta iyo goobo badan oo suuqyada ah ka jirta haddii aanay jirin sharci, halbeeg iyo heer qodistooda la waafajiyey iyo Hay’ad dawladdeed oo dabagal ku samaysaa dhibaatadeedu sii kordhayso.

Inta badan dhulka laga qodo Suuliyada iyo bullaacaduhu wuu kala duwan yahay, waxaan jira meelo aad u jilicsan oo guryaha laga dhiso, kuwaasoo godadka laga qodayaa u baahan yihiin adkayn iyo in la waafajiyo nidaam waafaqaya dabeecada deegaanka noocaas ah, haddii kale ay si fudud ku dumayaan oo ay galaafanayaan naf iyo maalba, sidoo kalena saxo-xumo keeni karaan.

 

waxa dhici karta inay shirkaddaha dhismaha iyo dadka ku shaqeeya xirfadaasiba ay dhayalsadaan marka ay goddadka qodayaan mar haddii aanu jirin sharci hagaya oo lagula xisaabtamayaa.

Waxa aynu ognahay in tayo-xumada dhismeyaasha casriga ah ee dalkeena laga dhisaa gaadhsiisan tahay heer aan indhaha laga qarsan Karin, balse aan khasaaraha ka yimaada cid ka xisaabtantaa jirin. sidaas awgeed marka ay tayo-xumada dhismaha guryuhu tahay mid muuqata, waxa aynu qiyaasi karnaa aaminnaada lagu qabi karo godadka loo qoday qashinkooda oo waliba inta badan laga sameeyo meello banaan ama cagta dadka iyo gaadiidkuba gaadhayso.

Marka ay sidaas tahay, Dawladdaha hoose ee dalka, Wasaaradda howlaha guud, guriyeynta iyo dhulka iyo laamaha kale ee dawladda ee shaqo-wadaagta kala leh bad-qabka dadka iyo deegaanka, waxa la gudboon inay soo saaraan siyaasad iyo haggeyaal sharci oo lagu salaynayo godadka loo isticmaalo musqulaha iyo Bullaacadaha. Sidoo kale waa inay Dawladdaha hoose sameeyaan xafiis kormeer iyo daba-gal ku sameeya guri kasta oo magaalada ah Musqusha iyo bullaacada u qodan, kaasoo haddii aanu waafaqsanayn nidaamka badqabka nololleed, nadaafaddeed iyo deegaanba talaabo ka qaadaya  cidda dhismahaasi leh ama masuulliyadaasi leh.

Arrintani waxay marka hore wax weyn ka taraysaa tayada iyo waaritaanka goobahaasi weel-qashimeedka ah. Mar labaadka waxa ay yaraynaysaa khataraha nafeed iyo kuwa caafimaad ee ay dadku kala kulmaan, sida kuwa ay la dumayso ama kuwa ay kala kulmaya nadaafad-xumada.

 

 

Guddoomiye Ku-xigeenka xidhii

Leave a Reply