“Waxaan soo Jeedinayaa in Danyarta laga Warhayo.”. Xildhibaan Axmed Dayib

0
190

Hargeysa (Dawan):-Xildhibaan Axmed Dayib  ku  Caddeeye oo ka tirsan  Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in la kaalmeeyo oo laga  warhayo dadka danyarta.

Axmed Dayib ku  Caddeeye ayaa sheegay in bulshada xil  ka saaran yahay dadka  maqalka  naafada ka ah,isla,maarkaana loo baahanyahay in la baro culuumta diiniga.

Axmed Dayib  oo arimhaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa jirta bulsho  aanay  cidina  u maqnayn waana dadka  maqalka  naafada ka ah xil ayaa innaga  wada  saaran,waa dadka  maqalka naafada  ka ah,waxaanay u baahanyihiin  in kitaabka la baro.masuuliyiintuna waa in ay wax iska waydiiyaan,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa u soo jeediyay in wax layska waydiiyo  bulshada danyarta ee  dayacan.Waxaana uu yidhi”Waxaanan  soo  jeedinayaa oo  masuuliyadi innaga saarantahay  xaafadaha dadka danyartu  ku  badantahay,waa  in aad  looga warhayo.taasina waxa ay inooga baahantahay  in aynu wax  iska  waydiino bulshadaa  dayacan iskama  bixin karaan iskuulada

Leave a Reply