Hargeysa (Dawan):-Xildhibaan Axmed Dayib ku Caddeeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa soo jeediyay in la kaalmeeyo oo laga warhayo dadka danyarta.
Axmed Dayib ku Caddeeye ayaa sheegay in bulshada xil ka saaran yahay dadka maqalka naafada ka ah,isla,maarkaana loo baahanyahay in la baro culuumta diiniga.
Axmed Dayib oo arimhaasi ka hadlayayna Waxa uu yidhi”Waxa jirta bulsho aanay cidina u maqnayn waana dadka maqalka naafada ka ah xil ayaa innaga wada saaran,waa dadka maqalka naafada ka ah,waxaanay u baahanyihiin in kitaabka la baro.masuuliyiintuna waa in ay wax iska waydiiyaan,”.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa u soo jeediyay in wax layska waydiiyo bulshada danyarta ee dayacan.Waxaana uu yidhi”Waxaanan soo jeedinayaa oo masuuliyadi innaga saarantahay xaafadaha dadka danyartu ku badantahay,waa in aad looga warhayo.taasina waxa ay inooga baahantahay in aynu wax iska waydiino bulshadaa dayacan iskama bixin karaan iskuulada