Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qorshaha xukuumadiisa ee qabsoomida doorashooyinka

0
124

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaariyay kharashkii doorashooyinka, isla markaana aanu rabin in uu kursiga ku sii raago.

Madaxweynaha oo kasoo muuqday barnaamij gaaban oo France 24 kaga hadlaysay arrimaha doorashooyinka Somaliland, ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in ay doorasho qabato.

Waxaanu yidhi.”Dowladdaydu 10 milyan oo dollar ayay u diyaarisay sannadkan doorashooyinka, miisaaniyada ayay ku jirta, taasi waa hal ku dhaga siyaasiyiinta uun, macangacnimo iyo in wakhti dheer la joogo ma aaminsani”

Khilaaf mudo u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada ayaa sababay in ay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada oo qorshaysnayd 13, November, 2022, waxaana ka dhashay mudaharaado ay mucaaradku soo abaabuleen oo dad ku dhinteen.

Muranka doorashada ayaan wali xal loo helin, iyadoo xukuumadu ay rabto in doorashada ururadu ay soo horayso, halka mucaaradkuna ay rabaan in doorashada madaxtooyadu ay soo horayso.

Inkasta, oo Golaha Guurtida Somaliland ay madaxweynaha u kordhiyeen mudo 2 sanno ah, hadana madaxaweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan sheegay in uu labada doorashaba qabanayo sannadkan 2023.

Leave a Reply