Dowladda Itoobiya oo sheegtay inaan la arki karin Ciidamo la yidhaahdo Ciidanka Liyuu Booliska degaannada

0
255

Adis-ababa (Dawan) Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Birhanu Julla oo la hadlay warbaahinta ay maamusho dowladdu ayaa sheegay in aanay jiri doonin oo aan la arki karin isla markaana wakhtigoodii uu dhamaaday Ciidamada Liyuu Booliska ee ay gaar u lahaan jireen dowlad degaannada dalka Itoobiya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in lasoo gabo gabeeyay qorshihii dib loogu habayn lahaa Ciidamada Gaarka ah ee degaannada, isla markaana si guud la isula qaatay in Ciidamada Liyuu booliska lagu kala daro saddexda hay’adood ee sharciga u leh sugidda amniga dalka iyo degaannada, kuwaas oo kala ah Millitariga dalka, Federal Booliska iyo Booliska maxalliga ah ee degaannada dalka Itoobiya.

Qorshahan cusub ee dib loogu habaynayo Ciidamada Liyuu Booliska ayay dowladda Itoobiya ku sheegtay in looga danleeyahay in dalka laga hirgaliyo Ciidamo adag oo suga amniga guud ahaan dalka Itoobiya, iyadoo hadda kadib ay meesha ay ka baxayso Ciidamo Liyuu Boolis ah oo sugaya amniga degaannada iyo dalka Itoobiya.

Balse arrin kaa ka duwan ayuu Madaxweyne Mustafe Cagjar dhawaan u sheegay Ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida, isagoo xusay in Ciidamada Liyuu Booliska degaanka Soomaalida ay sidooda ahaanayaan, kaliya laga badali doono dirayska iyo magaca oo ay kamid noqonayaan Booliska caadiga ah ee degaanka Soomaalida iyagoo haysta hubkoodii iyo saanadii ay horey u haysteen.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2006-dii iyadoo degaankii u horreeyay ee Liyuu Boolis laga dhiso uu ahaa dowlad degaanka Soomaalida, wakhtigaa oo sababtii loo aasaasay ay ahayd inay la dagaallamaan Jabhadihii wakhtigaa ka howlgali jiray degaanka oo ay kamid ahayd Jabhadda ONLF.

 

Leave a Reply