Wasirku xigeenka  Caafimaadka oo Qaybgalay Xuska Sannad guuradda 75-aad ee hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO).

0
140

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland,   Liiban Yuusuf Cismaan, ayaa ka qayb galay munaasibad si heer sarre ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay   75aad ka soo wareegtay aasaaska hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Sidoo kale waxa ka qayb galay agaasimaha guud, qaar ka mida shaqaalaha wasaaradda, qaar ka mida madaxda hay’adda WHO, mudan iyo marti sharaf kale.

Waxa kale oo munaasibadan goobjoog ka ahaa, Dr. Adna Aadan, duqa caasimada Hargeysa, agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo marti sharaf kale.

Liibaan Yuusuf Cismaan wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa hay’adda WHO ugu hanbalyeeyay sannad guuradda 75-aad ee ay u dabaaldegayaan.

Sidoo kale wasiirku xigeenku waxa uu xusay in wixii ka danbeeyay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 uu isbeddelay caafimaadka adduunku, isla markaana ay mihiim tahay in lala jaanqado isbeddelada ku yimid caafimaadka adduunka.

 

Leave a Reply