Haweeney Cudurka ‘Hargabka Shimbiraha’ Ugu Geeriyootay Dalka Shiinaha

0
180

Hargeysa (Dawan) Dalka Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa in lagu arkay xanuun cusub oo kamid ah hargabka ku dhaca shimbiraha.

Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aan ku dhex faafeyn dadka, xanuunkan ayay WHO ugu magac-dartay H3N8.

Haweeney 56 jir ah ayaa la sheegay in ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee xanuunkan u geeriyooda, waxay ahayd qofkii saddexaad ee laga helay cudur-sidaha H3N8, sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay WHO.

Kiisaska ayaa dhammaantood ku kooban Shiinaha, iyadoo horayna loo soo gudbiyay kiisaska labada ah.

Xarunta dhexe ee Xakameynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Guangdong ma bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan daruufaha ku xeeran dhimashada haweeneyda.

Leave a Reply