Dagaalka Laascaanood: Duullaan Dhaqaale iyo Siyaasadeed oo Puntland Suuq ugu Raadinayso Dekedda Garacad

0
318

Bulshada Laascaanood oo tacadigii ugu waynaa si joogto ah ay ugu hayaan maleeshiyada Puntland  iyo kufsigii ugu dambeeyay oo xalay ka dhacay magaalada

Hargeysa(Dawan):- dagaalka ka dhanka ah Somaliland iyo duulaanka lagu soo qaaday magaalada Laascaanood ayaa ah dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo lagu doonayo in doonayo in lagu dhco hantida bulshada reer Laascaanood iyo in lagu kala gooyo badeedacaha dadka badhtamaha Soomaaliya iyo deegaanada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo illaa koonfur bari Soomaaliya uga soo dega dekedda caalamiga ah ee Berbera oo noqotay dekeda ugu mashquulka iyo shaqada badan dekedaha Bariga Afrika illaa markii lagu wareejiyay shirkadda caalamiga ah ee DP-World.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa deked yar oo xukuumaddii Madaxweyne Framaajo ku dhistay hantidii Soomaaliya caalamku ku caawiyay isla markaana si qabiilaysan Maxamed Cabdilaahi Farmaajo deegaan gaar ah ugu dusiyay kaalmo Soomaaliya gargaar loo siiyay lagana musuqay dadkii ku tabaaloobay qaraxyada iyo abaaraha lagu dhisay ayaa loo waayay wax suuq ah isla markaana ay wax alaab ahi ka degi waayeen ka dib markii ay ku xidhmi waayeen ganacsatada Soomaaliya ee alaabtoodu ay ka soo degto Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.

Muddo badan ayay Puntland qorshaynaysay sidii ay suuq ganacsi oo adeegsada ugu heli lahayd dekedda Garacad oo malaayiin Dolar oo maatada Sooaaliya ee Tabaalaysan loogu deeqay isla markaana Farmaajo kuu dhisay Deked Qabiil gaar ah uu u dhisay.

Si dekeda Garacad suuq adeegsada loogu helo waxay ugu dambayn noqotay in dagaal laga rido Somaliland gaar ahaan  xarunta gobolka Soo lee Laascaanood isla markaana qax iyo baro kicin laga bilaabo magaalada  Laascaanood.

Qorshaha dagaalka Laascaanood ayay iska kaashadeen dhinacyo kala duwan oo ku bohoobay Collaadda Somaliland kuwaas oo ay ka mid yihiin Maamulka Puntland siyaasiyiin iksu beel ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,Madaxweynihii hore ee Puntand Cabdiwali Cali Gaas,raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid,Madaxdhaqameed ka soo jeeda gobolka Sool,kuwaas oo samaystay guddi 33 xubnood ah oo loo xilsaaray hurinta bar bilawga colaadda Laascaanood.

Waxaa kale oo la diyaarshay maleeshiyooyin kala duwan oo ka dagaalama Laascaanood oo ka kala yimaadda deegaanada Puntland,Junaland iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana maleeshiyooyinka ka dagaal galay Laascaanood ooh al ujeedo midayso oo ah duulaanka ka dhanka ah Somaliland ay ugu dambayn Laascaanood ka huriyeen colaad iyo baro kicin lasii qorsheeyay.

 

 

Suuq iyo isticmaal u raadinta dekedda Garacad waxay sababtay in lagu soo duulo Somaliland isla markaana la baro kiciyo dadka reer Laascaanood  lana qaato wixii hanti ay lahaayeen iyagoo maanta bulshadii Laascaanood ay qaxoonti  yihiin hantidoodiina ka caydhoobay oo bar xoolaad aan gacanta ku haynin waxaa kale oo intaa u dheer dil iyo kufsi iyo dhac joogto ah oo ay ku hayaan inta yar ee magaalada ku hadhay maleeshiyada Puntland ee duulaanka dhaqaale ku soo qaaday magaalada Laacsaanood.

 

Xukuumadda Somaliland iyadoo maanka ku haysa dagaalka Siaasadeed ee dalkeeda lagu soo qaaday waxay qaadday tallaabooyin badan oo ay ku doonaysay in magaalada Laascaanood lagaga badbaadiyo duulaanka ka dhanka ah Somaliland ee lagu soo qaaday laakiin taasi waxay ka suura geli wayday rag u dhashay deegaanka uu loosoo dhiibay mashruuca dagaal ee Laascaanood loogu talo galay in laga qarxiyo waxaanay Xukuumadda Somaliland muddo ku hawlanayd in ay xaaladda nabad iyo wada hadal ku dhammayso balse kooxaha duulaanka kusoo qaaday Somaliland oo ay hormuud u yihiin Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno colaad huriyeyaal ah oo guddi 33 xubnood ka kooban oo uu dabada ka riixayay Farmaajo isla markaana ahaa fureyaasha duulaanka ka dhanka ah Somaliland,ayaa la wareegay taladii iyo maankii bulshada Sool ugu dambayn na ku guulaystay in ay xabadi ka qaraxdo Laascaanood oo la wareeraro fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland iyo weftigii nabadaynta u joogay Laascaanood ee Wasiirada ahaa oo saqdhexe iyagoo nabad ku hurda weerar lagu qaaday,bar bilawga weerarka oo ay ujeedadiisu ahayd marka wasiirada la weeraro in ciidanka qaranku magaalada cagta mariyo,ayay Xukuumadda Somaliland kaga jawaabtay in ay si tudhaale ah ciidanka qaranku isu difaacaan isla markaana ay ku ekaadaan fadhiismadooda.

 

Laga soo bilaabo maalintii kooxaha huwantu dagaalka ka qarxiyeen Laascaanood iyo illaa xalay oo ugu dambaysay waxay bulshada Laascaanood kala kulmayeen kooxaha argagixisada ah ee magaalada kusoo duulay waxay kala kulmayeen dil dhac iyo kufsi waxaana xalay gudaha magaalada Laascaanood ay ka geysteen maleeshiyada Puntland lagu faro xumeeyay haweenay reer Laascaanood ah iyadoo ay taa kasii horraysay laba dil o magaalada Laascaanood labadii habeen ee la soo dhaafay loogu geystay laba nin oo ganacsato ah.

 

Haddaba bulshada iyo aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Laascaanood ma dilka, kufsiga iyo dhaca ayay ku doorsadeen nabad gelyadii horumarkii iyo ganacsigii ay ku naaloonayeen mise diyaar ayay u yihiin in ay in ay Xukuumadda Somaliland kala shaqeeyaan xoraynta magaalada Laascaanood iyo sidii looga sifayn lahaa maleeshiyaadka Puntland ee Farmaajaysan ee suuq raadinta dekeda Garacad ugu soo duulay Somaliland

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply