Niyada Wanaagsan Iyo Risiqa!

0
353

Nin shaqaale ah oo mushahar yar qaadanayay, laakiin shaqadiisu wanaagsan tahay ayaa maalin habsaamay. Maamulaha ayaa u famay in lacagta yar ee uu qaataa dhibaatadu tahay, ka dibna waxooga ayuu u kordhiyay isagoon waxba weydiin.

Laakiin kordhkaasi kama mahadniqin ninka shaqaalaha ahi. Maalin danbe ayuu haddana habsaamay, markaasi ayuu maamuluhu u arkay nimaan shaqada dan ka lahayn ka dibna wuxu ka jaray qadarkii uu ugu daray.

Markii uu qaatay haddana mar kale ninkii wax dhibaato ah kuma keeniin, kamana caban.

Maamulaha oo aad u yaaban ayaa u yeedhay oo ku yidhi “ Maalintii aan kuu kordhiyay, maad dareemin kordhkii, maanta oo aan ka jarayna ismaad bedelin, maxaa kuugu wacan”?

Ninkii ayaa ku  jawaabay “ Maalintii aad ii kordhisay waxa ii dhashay wiil, waxaana aan u fahmay in wiilku arsaqadiisa wato. Markan aad adiga jartayna waxa dhimatay hooyaday, waxaan u fahmay in arsaaqadeedii la iga jaray”.

Maamulaha oo fikiradaha ninka la yaaban ayaa u soo celiyay lacagtii uu ka jaray markii uu ogaaday in aanu shaqada sagsaagayn

Leave a Reply