Xikmadaha

0
343
  • Noloshu wey is badesha laakiin ma istaagto. Rajadu wey qarsoonta laakiin ma dhimato
    Fursadu wey dayacantaa laakiin ma dhamaato. Mar kasta oo noloshu kugu adkaato, Allaha (sw) talo saaro oo uu noqo, wanaagna ka rajee.
  • Nin ayaa caaqli badan (Xakiim) ah ku yidhi “ Waxaan guursaday gabadh naafo ah, suurtagal ma tahay inaan iska furo ? Waxaanu ugu jawaabay “ Haddii aad rabto inaad orodka kula bertanto iska fur”.
  • Nin gabadhiisa furaya ayaa la weydiiyay sababta furitaanka waxaana uu ku jawaabay “ Fariidku gabadhiisa waxba kama sheego”, Markii uu furay ayaa lagu yidhi imika ayaanay gabadhaadi ahayn maxaad ku furtay ? Waxaana uu ku jawaabay: “ Caaqilka gabadh aanay shaqo isku lahayn waxba kama sheego”
  • Biyo kasta oo macaan oo samada ka soo dhaca waxba kama bedelaan biyaha dhanaan ee badda, kalsooni nafta sii, adiga ayaa isbedelka naftaada samayn kara, laakiin cidna kuma bedeli karto.

Leave a Reply