Qofka oo sabra , isla markaana u dulqaata dhibaato soo gaadhay waxay ka mid tahay akhlaaqda wanaagsan ee qof yeesho, waana astaan muujisa Iimaanka qofka, kaasi oo u diidaya naftiisu inay ku dhaqaaqdo inuu sameeyo ficil xun.
Qof kastaa waxa uu leeyahay laba awoodood oo u shaqeeya naftiisa. Midi waa awooda qofka ku riixaysa samaynta ficilo wanaagsan, ta kalena waa awooda qofka ka celisa ama ka hor joogsata ficilo xun. Markaa sabirku si tayo leh, waxa uu isku xidhaa awooda qofka u horseeda samaynta ficilada wanaagsan iyo awooda qofka ka hor joogsata una diida samaynta ficilo khatar ku ah naftiisa iyo nafaha bulshada kaleba.
Inuu qofku helo sabir iyo dulqaad waa in qof dareenkiisa guud iyo ahmiyada uu siiyo diintu ay ka awood iyo xoog wayn tahay marka loo eego hawada xun ee naftiisa ay jeceshahay iyo danaysiga gaarka ah. Dulqaadkuna waa inaad iska dhaafi karto ficil aad samayn karto oo aad awood u leedahay. Imaam Cali Binu Abu-Dalib wuxu yidhi “ Sabirka iyo dulqaadku waa inaad isku halayso gargaarka Allah (sw)”.
Rasuulka Allah (scw) wuxu xadiis ku yidhi “ Ma jiro wax ka weyn sabir oo qof la siiya” Bukhaari. Kitaaba Jaamicu Sexeex Bogga 1469. “Allah waxa uu la jiraa kuwa sabra.” (Suurada Al Baqarah 2:153).