Xalka Raadi Adigoo Faraxsan!

0
220

Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya.

Dareenkaasi  yaanu ku dhibin, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada  fahanto.

Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan.

Haddii aad guulaysatana, waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo been ah oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda. Si kastaba waa inaad guulaysataa.

 

Dadka runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay. Raaxada Noloshuna waa Akhlaaqda wanaagsan.

Noloshu waxa ku lamaan mushkulado, laakiin markaad werwerto waxa aad laban laabays mushkuladda. Waa inaad dhibta xal u raadisaa adigoo faraxsan. Dadka mushkuladda sameeya oo abuura laakiin haddana kuwa xalkeeda keena waa isla iyaga Aadamiga ah.

 

 

 

Leave a Reply