Timirta Iyo Xanuuno Ay Dawo Ka Tahay!

0
544

Timirtu waxa ay qani ku tahay fosfooraska, taasoo kordhisa firfircoonida maskaxda iyo dhaqdhaqaaqa jidhka. Waxa kale oo ay daawo ka tahay dhiig-yarida iyo ka hortaga cilladaha neerfaha ku imanaya,  sababtuna waa iyadoo ay ku badan sonkorta iyo potassium.  Timirta waxa loo isticmaala in lagu daweeyo xaaladaha calool-istaagga raaga si loo kiciyo dhaqdhaqaaqa mindhicirka iyo dabacsanaantiisa, maadaama ay ku jiraan cellulosic

 

Sida khubaro dhinaca nafaqaynta cuntada ay cadeeyeen Timirtu waxay leedahay waxtar iyo faa’iidooyin xanuunka Roomantiisamka, maxaa yeelay waxa ku jira Faytaminada Bir iyo V 32.

 

Waxayna hoos u dhigtaa curyaanimada iyo lafaha oo jilica, waayo timirta waxa laga helaa Maadooyinka Calcuim, Foosfaras iyo Vitamin A oo lafaha qofka dhisa.

 

Sida la xaqjiiyay waxay timirtu dawo ka tahay xanuunka Kansarka oo dunida maanta ku sii badanaya, iyadoo la ogaaday in goobaha Timirtu ka baxdo aan lagu arag dadka ku nool  xanuunka Kansaraka.:

Timirta  waxa ku jira maadooyinka Calcium, Foosfor iyo Vitamin A oo baahi weyn u qabo oo qofka jidhkiisu..

Waxayna caawisa in aanay xidida qofku noqon kuwo adag, taasina waxay ka badbaadinaysa inuu ku dhaco xanuunka subagga.

 

 

 

Leave a Reply