“Dhirtan waxaa lagu beeray cashuurtii dadweynaha hadduu qofku cashuurtiisii khasaariyo waa mushkilad…”

0
252

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL  oo ay Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha waaxda Dhirta iyo Daaqa ayaa soo kormeeraya Xarunta Dhir kobcinta Wasaaradda deegaanka Ee Xarunta Hargeisa.

Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa Shacabka iyo Cid kasta oo Qaadaneysa Dhirta Xarumaha kala duwan lagu beeray usoo jeediyey inaanay ilaaliyaan dhirtaasi si wanaasgana u beeraan iyagoona Shacabka ugu baaqay inay ka Faaiideystaan Xili Roobaadkan.

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu soo qaadan doonaa Kormeerkaasi ayay masuuliyiintu sameeyeen 29-kiii bishii March, iyadoo na ay 15-ka bishan April, ayay ku began tahay maalinta dhir beerista Somaliland. Waxaanay wasaaradda Deegaanka Somaliland si weyn ugu diyaar garoobaysaa xuska maalintaasi.

Agaasimaha waaxda Dhirta, iyo Daaqa, ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Axmed Xaaaji, ayaa ka warbixiyay xaruntan dhir-kobcinta ee Hargaysa, iyo wakhtigii la aasaasay, iyo sidoo kale xarumaha kale ee dhir-kobcinta ee ay wasaaradu ku leedahay goboladda dalka.

“Halkani waa xarunta dhir-tarminta ee magaaladda Hargaysa, waana xarunta ugu weyn ee ay wasaaradu leedahay.  Guud ahaan markaan taariikhda xaruntan dib ugu noqdo ilaa sanadkii 1997-kii, way shaqaynaysay, waxaana jirtay wakhti ay dalkoo dhan hal xarun oo dhir-kobcin ah shaqaynaysay. Ilaa iyo maanta na ay shaqaynayaan 15 xarumood, oo ku kala yaalla dhamaan ba goboladda dalka.

Kuwaasoo laga soo saarro dhir loogu tallo galay in lagu beerro dhulka Nabaad-guuray, Hadhka, Calafka xoolaha, Midhaha, waxyaabahaas oo dhan ayaa laga soo saaraa xarumahaasi. Looga na faa’iideeyo dadka, si lacag la’aan ah na loogu qaybiyo.

Halkan oo ah xarunta dhir-tarminta ee magaaladda Hargaysa, waxaa ku diyaarsan 100,000 oo geed. Halka xarumaha kale ee dhir-kobcinta goboladda dalka na ay ku diyaarsan yihiin dhir tiradoodu u dhaxayso 20,000, ilaa 30,000 oo geed. Kuwaasoo dadweynaha loo qaybin doona laga bilaabo maanta (29-kii March), ilaa dhamaadka bisha April”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa isna ka sheekeeyay taariikhda xarunta dhirbeerista Hargaysa, iyo kaalinta ay kaga jirta kobcinta, iyo dhiraynta dalka gaar ahaana magaalooyinka dalka.

“Xaruntani taariikh weyn ayay leedahay, oo sanadihii kala danbeeyay boqolaal kun oo geed baa lagu beeray, oo dadka loo qaybiyay. Dedaalkaasi oo ka muuqda magaalooyin badan oo dalka ah, oo magaalooyin badan baa imika quruxdoodda laga dareemayaa, oo ay Berbera, ka mid tahay, iyadoo dhiraynteedda ay wasaaradda Deegaanku qayb weyn ka qaadatay.

Dhirtu waa nolosheena. Dhibaatooyinka isbedelka cimiladda ee inagu yimid waxyaabaha aan kula dagaalami karno, ee ugu waaweyn waxaa ka mid ah in aynu dhir beerista kor u qaadno. Magaalooyinka, iyo dawladaha hoose na si gaar ah ayay arrintaasi u khusaysaa.

Halkan 100,000 oo geed baa yaalla, xarumaha kale ee dalkana dhir badan ayaa taalla, oo 100,000 oo geed ka badan. Qaybinteedda, iyo qorshaheediina wasaaradu way diyaarisay.

Dhirtaa qaybinteedda masuuliyad baa ka saarran bulshadda reer Somaliland marka la siiyo, geedku wuxuu u baahan yahay in laga war hayo, oo biyaha la siiyo. Tacab iyo wakhti baa gallay dhirtan soo saaristeedda, waxaana loo baahan yahay dadku in ay ka faa’iidaystaan, oo ay xil iska saaraan, dadka shacabka ah haday tahay, iyo maamulka dawladaha hoose ba”.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ka warbixinaysay muhiimadda ay dalka iyo deegaankeena ba u leedahay xarunta dhir-kobcintu, ayaa bulshadda reer Somaliland kula dar-daarantay in ay ilaaliyaan marka dhirta loo qaybiyo.

“Waxaan dadweynaha ku adkaynayaa, geed marka aad qaadataan, waa sida carruurta oo kale, oo wuxuu doonayaa in la koriyo, oo la xanaaneeyo, oo la waraabiyo, ilaa inta uu ka waynaanayo. Maalinta uu waynaada na adiga ayuu ku anfacayaa. Haddii geedihii xagga danbe na Gudun, laga la taagan yahay, xagga hore na la doonayo in la hadhsado, taasi ma suurto gelayso. Markaa waxaan idinku adkaynayaa qofkii geed qaatoow ba waa in aad geedkaa xanaanaysaa. Haddii kale ha ka qaadin xarunta dhir-kobcinta ee uu yaallo, cid kaloo xanaanaynaysa ayaa joogtee. Waayo? Khasarsh baa ku baxay, tacab ayaa ku baxay, oo dad baa maalin walba ka shaqeeya, oo Warraabinaya, oo ka shaqaynaya.

Haddii aad toban geed qaadato, tobanka ba waa in aad xanaanaysaa, waa na in la hello meel lagaga war hayo. Anagu na wasaarad ahaan cid wal ba ma daba socon karno, markaa waxaanu doonaynaa masuuliyadaasi in aad idinku isa saartaan. Dhirtan waxaa lagu beeray cashuurtii dadweynaha, markaa haddii uu qofku cashuurtiisii khasaariyo, waa mushkilad. Markaa waxaanu doonaynaa in aad na la ilaalisaan.

Waxaan u mahad celinayaa kooxaha ka shaqeeya xarumaha dhir-kobcinta, ee xaruntan Hargaysa, jooga, ee xarumaha goboladda dalka jooga, ee habeen iyo maalin ba u taagan hawshaasi, iyo madaxda ku daba taagan ba, aad baan ugu mahad celinayaa”.

 

 

Leave a Reply