D/Hoos Ee Hargeysa Oo Ololihi Nadaafadda U Bedeshay Cagaarrinta Caasimadda

0
163

Hargaysa (Dawan): Sida qaalibka ah khamiis kasta oo bil u danbaysa waxa ay dawladda hoose ee caasimada Hargeysa waxay qaban jirtay olole nadaafadeed.

Kaas oo degmooyinka, iyo xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa, qashinka lagaga ururin jiray.

Hase yeeshee, ololohii nadiifinta qashinka caasimadda Hargaysa, ee dawladda hoose ay samayn jirtay ayaa loo bedelay mid lagu cagaarrinayo magaaladda, laga bilaabo Khamiistan maanta ah.

Sidaasi na waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo shalay ka soo baxay xafiiska dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa lagu sheegay in ololahaasi loo mid dhir beeriseed.

U jeedada laga leeyahay ololahan dhiraynta caasimadda ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kor loogu qaadayo bilicda caasimadda.

Dawladda hoose ee Hargaysa, ayaa bulshadda ku wargelisay in Khamiistan maanta ay noqon doonto maalin ka duwan khamiisihii hore.

Waxaanay si rasmiya maanta bulshadda caasimadu ugu dareeri doonta in muwaadin kasta uu beero hal geed.

“Haddii Khamiis kasta oo bil u danbaysa caasimadda laga fulin jiray olole qashin ururin ah. Khamiistan waxaa loo bedalay ololaha Cagaarrinta caasimadda Hargaysa.

Muwaadin kaalay oo geed beer, si aynu u helno caasimad Cagaarran, bilicsan, qabow, isla markaana soo jiita indhaha dalxiiseyaasha yimaada caasimadda Hargaysa” ayaa lagu yidhi fariintaasi.

Waxaana qaybaha kala duwan ee muwaadiniinta ku nool gudaha magaalada Hargeysa ka codsadeen dawladda hoose ee Hargeysa, in qof kastaa uu ka soo qayb qaato ololaha cagaarrinta caasimada, isla markaana uu qof kasta geed beerro.

Si caasimada Hargeysa u noqoto  mid Cagaarran, bilicsan, qabow isla markaana soo jiita indhaha Dalxiisayaasha yimaada gudaha caasimada.

 

Leave a Reply