Hargeysa: kulan lagu gorfaynayay bilaabista Qorshaha Caasimadda

0
188

Hargeysa (Dawan) Xarunta wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somalilad ayaa lagu qabtay kulan lagu gorfaynayay sidii loo bilaabilahaa qorshe magaaleedka, magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta Somaliland Musatafe Maxamuud Cali Bile, ayaa shalay shir-guddoomiyay kulan ka dhacay xafiiskiisa oo lagaga arrinsanayay sidii loo bilaabilahaa qorshe Magaaleedka magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka hawlaha guud waxa ka soo qaybgalay, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamuud Suldaan Aadan, duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac iyo guddida farsamo ee hagaysa qorshe magaaleedka la rabbo in loo sameynayo magaalada Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu mudadii kulanku socday warbixin lagaga dhageystay guddida farsamo ee hagaysa qorshaha la rabo in loo sameeyo magaalada Hargeysa, waxaana warbixintaasi jeediyay agaasimaha nashqadaynta magaalooyinka ee wasaaraddaasiNaqshadynta Injineer Cabdiraxmaan Maxamed Aar, waxaanu faahfaahin ka bixiyay qaabka la rabo in loo bilaabo mashruucan, mudada uu soconayo, wajiyada kala duwan ee uu yeelanayo, iyo sida ay ugu talogashay guddidu in qorshahani uu fulo.

Gaba’gabadii wasaaradda hawlaha guud iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa isla qaatay in maalinta arbacada ee toddobaadka soo socda haddii ALLE yidhaahdo in la isugu yimaado shir danbe, kaas oo lagu go’aamin doono qorshaha cusub ee magaalada Hargeysa ay yeelan doonto.

 

 

 

 

Leave a Reply