Baanka Dhexe ee JSL oo Digniin u Diray in ka Badan 16 Sarifle

0
254

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha baanka dhexe Somaliland Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa digiin kama danbeysa u diray 16 sarifle oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay u qiimo tirilahaayeen Shilinka Somaliland, waxaanu xusay in ay caadaysteen in ay kala dhantaalaan adeega sarifka ee ay bulshada siinayaan.

Sidoo kale waxa warkan lagu sheegay in qaarkood ay xidhayaan adeega isku sarifka lacagaha, halka qaarkoodna ay qiima dheeraysiiyaan qiimaha uu ujaray baanka dhexe, waxaanu guddoomiye Cali sheegay in ay baalmarsan tahay xeerarka Sarifka, isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii danbe ee lagu helo arrintas,

Waxa sidan lagu sheegay Qoraal ka soo baxay baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL, Cali Cabdillaahi Daahir, oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Wargeyska Dawan, waxaanu u dhigna sidan.

“Baanka dhexe isaga oo ka duulaya waajibaadka ka saaran xasilinta suuqyada sarifka, ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland iyo in bulshadu ay hesho adeeg sari foo dhammeystiran, waxa uu digniin kama dambays ah u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan oo caadaystay in ay kala dhalntaalaan adeeggooda sarifka ee ay bulshada siiyaan, iuyaga oo xidhaya gacanta danbe (Selling rate), qaarna ay rate-ka baanka wax dheeraysiiyaan taas oo baalmarsan xeerarka sarifka.

Sidaasi darteed waxa la idin farayaa in aad furtaan gacanta danbe ee adeeggiina sarrifka sida ugu dhakhsaha badan, haddii aad fulin waydaan waxa Baanka dhexe idinku wargelinayaa in la idinka qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, aniga oo ku rajjo weyn in aad fulin doontaan amarkaas”

Leave a Reply