Dawladda Hoose oo 9-ka Degmo ee Magaalada Hargeysa ka bilowday Hawlgal dhirayn ah

0
348

Hargaysa (Dawan) Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa sagaalka Degmo ee Magaaladda Hargeysa ka kooban tahay ka fuliyey hawlgal dhir beeris ah.

Hawlgalkan ayaa lagu bedelay ololihii nadaafadeed ee Khamiis kasta oo bil u danbaysa laga fulin jiray degmooyinka caasimadda, waxaana ka qayb galay duqa Magaaladda Hargeysa oo ay weheliyaan Xildhibaanada gollaha deegaanka ee caasimadda iyo shaqaalaha dawladda hoose.

Maayarka caasimadda hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa sheegay sida ay ugu dadaalayaan in Caasimadda Hargeysa ay noqoto mid cagaaran waxaanu xusay in qofkasta oo magaaladan ku nool ay waajib ku tahay sidii u u beeri lahaa hal geed si bilicda caasimadda kor loogu qaado.

Sidoo kale qaar ka mid ah mudanayaasha gollaha deegaanka ee caasimadda ayaa sheegay inay sii wadayaan hawlgalka dhir beerista.

Geesta kale intii uu socday Hawlgalkan dhireynta caasimadu waxa lagu qaybiyey 35 Kun oo Geed.

Duqa caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in hawlgalka dhirbeeristu uu noqon doono mid joogta ah, ilaa inta bilicda caasimada dib loo soocelinayo.

Waxaanu yidhi.“Waa maalin kale oo guul ah, waa maalin kale oo farxad ah, maalin aynu qabsanay shaqo ay ahayd in aynu qabsano berri hore, shaqo joogto noqon doonta, shaqo tani ay barbilow u tahay.

Maalmihii hore waxa aynu qaban jiray shaqo u badan in aynu qashin gurno, waxase hubbaal ah in imika qashinku soo yaraanayo, waxa aynu doonayna in aynu magaaladeena ka dhigano magaalo wanaagsan oo dhir fara badan leh, 9 degmo ee magaalada Hargeysa ayaa dhir laga qaybiyay lagana qaybin doona, dhirtaasina waa lacag la’aan, Dooxa weyn dhir badan ayaa ku beernayd, balse waxa aynu laba jibaarnay tirade dhirtii ku beernayd,

Geesta kale waxa aynu dhir ku soo beernay biriishka labaad ee caasimada dhiniciisa galbeed, waxa kale oo aanu dhir ku beernay shaaricyada magaalada Hargeysa.

Shaqaalaha dawladda hoose ee ina hortagi waa kuwa ku faraxsan shaqada ay qabanayaan, waa dad raali ku ah, cidna aan waxba kaga doonayn, abaalbaanan cid kaga rabin, ammaan baanaan cid kaga rabin, waa in aanu sii horgaysanayno ILLAAHI na abuurtay, waa inyar oo aanu abaal ugu celinayno magaaladii aanu ku kornay, ee ku dhalnay, ee ku dhisanay, oo aanu doonayno iyada oo qurux badan in aanu uga tagno ubadkayaga.”

 

 

Leave a Reply