Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Qalab iyo Daawooyin Kala Wareegtay Ha’yadda WHO

0
164

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda caafimaadka JSL ayaa shalay agab, iyo qalab caafimaad oo loogu tallo galay la dagaalanka Kaneecadda kala wareegtay haayadda WHO.

Waxaana qalabkaasi lagu wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradaasi.

Xafladii lagu la kala wareegayay agabkan waxaa ka soo qayb-gelay masuuliyiin ka socotay wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiinta xafiiska Hargaysa ee haayadda Caafimaadka aduunka ee WHO.

Qalabkaasi wuxuu ka kooban yahay 4 computer oo loogu tallo galay afarta degmo ee uu ka bilaabmayo mashruuca dabar goynta Malaariyadda, kuwaasoo kala ah Burco, Oodweyne, Caynaba, iyo Sheekh, sida uu sheegay masuul u hadlay WHO.

Waxa kaloo qalabkaasi ka mid ah laba microscope, oo iyagna loogu tallo galay xarunta cayayaanka, iyo hal microscope, oo iyada na loogu tallo galay qaybta cilmi baadhista, iyo sidoo kale waxaa isna ka mida qalabkaasi ay wasaaradu la wareegtay qaboojiye loogu tallo galay qolka lagu koriyo kaneecadda, ee cilmi baadhistu ka socoto, ama tijaabadda lagu sameeyo.

Waxa kaloo ka mid ah qayb kaloo ilaalinaysa cufka hawadda humidity, iyo kulka qolka lagu korinayo kaneecadda, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo qalabkaasi la wareegay.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu haayadda WHO kala wareegnay agab, iyo qalab, caafimaad, oo u badan mishiinno, iyo computerro, iyo qaboojiyeyaal, oo loogu tallo galay degmooyinka la doonayo in laga cidhib tiro maleeriyadda.

Kaneecadu waxay maraysaa heer ay doonayno in aynu nidhaahno wadanka waynu ka cidhib-tirnay. Waxaana degmooyinka qaar laga wadaa mashruuc la doonayo in aakhirka la yidhaahdo waa laga adabr gooyay kaneecadii.

Degmooyinkaasi ayaana qalabkaasi loogu tallo galay, waxaanay wax weyn ka anfacaysaa sidii degmooyinkaasi hawshaa ay ku jiraan ee dabar goynta ah, ay u sii wadi lahaayeen”.

 

 

Leave a Reply