Ciidanka Asluubta oo bilaabay Diyaargarowga Maalinta Qaranimada ee 18-ka May

0
257

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee ciidanka asluubta Somaliland, sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), oo uu wehelinayo abaandulaha ciidanka asluubta Somaliland, sarreeyo guuto Xasan Cali Cawad ayaa shalay kormeer ku tagey goobta ciidanka asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaargarawga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2023-Ka oo dhawaan inagu soo fool leh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka ayaa ku jira gaardis ay ugu sii diyaar garoobayaan maalinta Qaranimada JSL, oo bilkasta la xuso bishan 5-aad 18-keeda.

Taliyaha iyo abaandulaha ayaa ciidanka asluubta ee loo xulay kaqayb galka munaasibada xuska 18-ka May, ku boggaadiyay kuna amaanay sida wanaagsan ee ay ilaa hadda uwadaan diyaargarowga maalinta Qaranimida iyo hawl soconsiinta hawlaha ay Qaranka u hayaan.

Taliye Libaax iyo abaandule Xasan Cali waxa ay ciidamada ka codsadeen in gacana ay xuska diyaargarowga kuwadaan, gacana cadowga ku ilaaliyaan.

Madasha loo asteeyay in ciidanka asluubtu ay ku sameeyaan gaadiska diyaargarowga xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May, ayay ku soo badhigeen diyaargarow xoogan oo ay ku muujiyeen kartidooda iyo khibraddooda.

Sannadkasta bishan May waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranku Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaargaroobayaan weyneynta maalintan.

 

 

Leave a Reply