Dawladda Hoose ee Sallexley oo Bilowdey Olole Cashuur Ururin ah

0
155

Hargeysa (Dawan) Maamulka dawladda hoose ee degmada Salaxley ayaa bilaabey olole balaadhan oo lagu ururinayo cashuuraha ku baaqday muwaadiniinta degaankaasi.

Ololahan cashuur ururinta ah ee ay bilaabeen maamulka dowladda hoose ee degmada Salaxley waxa hoggaaminayay maayirka degmada Salaxley Axmed Buraale Iimaan, waxa ku wehelinayay xoghayaha dowladda hoose, xubno ka mida masuuliyiinta dowladda hoose iyo agaasimaha waaxda cashuuraha.

Masuuliyiintan ayaa bulshada degmada Salaxley ee lagu leeyahay cashuuraha ee sida hantida maguurtada ah iyo dhulka ka codsaday inay si deg deg ah u bixiyaan cashuurta ku baaqatay.

Axmed Buraale Iimaan duqa degmada Salaxley ayaa bulshaweynta degmadaasi ugu baaqay inay iska soo bixiyaan cashuuraha lagu leeyahay, waxaanu xusay ciddii amarkooda u hoggaansami weyda in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, isla markaana lala wareegi doono hantidooda iyo dhulkooda.

Maayir Axmed waxa uu sigaara fariin ugu diray dadka dhulka la siiyay waxna aan ka qabsan umadana ka xanibay, isla markaana cashuurta lagu leeyahay mudada badan, waxa uu caddeeyay in ay dadkaasi dhulka kala wareegayaan tallaabadii u horraysayna ay maanta qaadeen ciidanka iyo shaqaalaha dawladda hoose oo iskaashanaya dumiyeena seeskii, waxaanu dadka maqan ka codsaday in 7 cisho ay cashuurta ku soo bixiyaan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply