Safiirka JSL U Fadhiya Jabuuti oo Qaabilay Wefti Ka Socday Kulmiye

0
114

Jabuuti (Dawan): Wefti masuuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga taladda dalka JSL haya ee KULMIYE ayaa booqday safaaradda ay Somaliland ku leedahay magaalada Jabuuti.

Weftigan ka tirsan xisbiga KULMIYE oo booqasho ku jooga Jabuuti, waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee xisbigaasi Faysal Cabdiraxmaan Madar, iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee ee KULMIYE Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye).

Waxaana weftigani halkaas ku qaabilay Safiirka, JSL u qaabilsan Jabuuti, C/fataax Siciid Axmed, Safiir-ku-xigeenka iyo shaqaalaha safaaradda.

Iyagoo na iska waraystay shaqada baaxadda leh ee ay safaaradu u hayso muwaadiniinta iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Waxaanu danjire C/fataax Siciid Axmed, masuuliyiinta soo booqday u sharaxay hanaanka ay u shaqayso safaaradda Somaliland ee Jabuuti, iyo qaybaha ay ka kooban tahay.

Danjire C/fataax, ayaa uga mahad celiyay booqashada ay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, ku yimaadeen safaaradda.

 

 

Leave a Reply