Guddida Qandaraasyada Qaranka oo shaaciyey shirkada ku guulaysatay Dhismaha Suuqa WAAHEEN

0
189

Hargeysa- Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed ayaa shalay oo ay bishu tahay May 04, 2023, ku dhawaaqay go’aanka Hal Mashruuc oo Ay Gudidda Qandaraasyadu Mudo Soo Waday Baahintiisa, Mashruucan oo ahaa Mashruuca Dhismaha Suuqa Waaheen Qaybta Dawlada (Block A)

Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa sheegay in shirkada Inyatsi Construction Company, ku guulaysatay qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen.

Qoraal Khamiistii, 04 May, 2023 ka soo abxay xafiiska Guddida Qandaraasyada ayaa bulshada loogu sheegay inuu soo dhamaaday qandaraaska dhismaha suuqa Waaheen, oo ilaa bishii September 2022 ay gacanta ku hayeen.

Mashruucan oo ay ku soo tartameen shirkado kala duwan oo Isugu Jira Ajaanib iyo kuwo dalka laga leeyahay, isla markaana kala saaristooda loo maray Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Public Procurement Act), ee L.r 82/2018, iyo Habraacyada iyo Xeer Nidaamiyaha Qandaraas bixinta ee Qiimeynta Mashaariicda Dhismayaasha kala duwan, ayaa Shirkadda ku guulaystay Mashruucan noqotay Inyatsi Construction Company oo oo Fadhigeedu

Leave a Reply