Maareeyaha Kaydka Haamaha oo Sheegay in Qiimaha Shidaalku aad u Jabay

0
206

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Somaliland, Axmed ibraahin Cabdi, ayaa sheegay in qiimaha shidaalku uu hoos dhac aad u weyni uu ku yimid, waxaanu xusay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii shidaal jaban oo tayadiisu sarreyso bulshadu u helilahayd.

Maareeyaha kaydka haamaha dhidaalku waxa uu xusay in shidaalka waddanka soogala ilaa afar jeer baadhitaan iyo hubin lagu sameeyo, isla markaana la celiyo haddii shidaalka tayadiisu ay aad u hoosayso.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkadda Tarafikuura heshiisyadii ay Somaliland lagashay oo dhan ay fulisay.

Waxa uu sidan ka sheegay mar uu hortagey guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland, waxaana xarunta golahaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golahaasi xildhibaan Dayib Xasan Axmed, waxaanu guddoomiyaha joogtadu sheegay in gola weyna ay ku celin doonaan xogta iyo warbixinta uu siiyay.

Waxaanu yidhi.“Haamaha Shidaalku adeeg ayay bulshada u hayaan, hadba kii Shidaal keena uunba loogu shuba, hadbana kii u soo horreeya uunba loogu shubaa, cid ay kooto ugu xidhan yihiin iyo cidkale midna ma jirto.

Qiimaha Shidaalku hoos ayuu u dhacay ee kor umuu kicin, muddo hadda laga joogo 8 bilood ayaa u danbaysay shidaal kaca, hadda litirku waa 0.5 dollar, waxa ka xukuumad ahaan naga go’an in la helo Shidaal jaban oo tayadiisu sarreyso.

Shidaal aayar dalka iska soogala majiro ee saddex afar jeer ayaa la eega, marka haddii aanu heerkii la rabay aanu ahayn tayadiisu khasab waala celinayaa.

Tarafikuura waa shirkad weyn waa shirkad laga leeyahay waddanka Isweserland, waa shirkad aad iyo aad can ugu ah shidaalka oo Afrika iyo Yuruba gaysa, nasiib ayaynu u helay in Tarafikuura Somaliland timaado,   nasiib wanaag Tarafikuura heshiiskii way fuliyeen, haamihii way yimaadeen, ku dhawaan 300 oo ajaanib shaqaale ah ayaa haamihii jooga, Injineeradii ayaa yimid taangiyadii waala dhisayaa, heshiiskii ay galeeno waala bilaabaya”

 

 

 

 

Leave a Reply