Badhasaabka Gabiley oo Magacaabay Guddiga Xuska 18-ka May ee Heer Gobol

0
203

Gabiley (Dawan): Gddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay magacaabay xubnaha guddiga qaban qaabadda xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ee gobolka Gabiley.

Waxaana guud ahaan ba gobolka Gabiley ahaa si weyn loogu diyaar garoobayaa Xuska sannad guurada 32-aad ee maalinta qaranimadda JSL ee18 May.

Kulan war baahineed lagu shaacinayay xubnaha guddiga qaban qaabadda 18ka May, ee heer gobol ee Gabiley, waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe.

Maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, xubno ka mida golaha deegaanka Gabiley, xubnahan guddiga qaban qaabadda 18-ka, iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo halkaa ka hadlay ayaa ugu horrayn hanbalyo horudhaca u diray guud ahaan ummadda Somaliland gaar ahaana reer Gabiley, guddo iyo dibad-ba.

Waxaanu yidhi “Sharaf ayay inoo tahay inaan u diyaar-garawno xuska, iyo maamuuska 18-ka May, oo munaasibaddeeda soo fool leh ay noqon doonto 32-sanno guurada markii Somaliland ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda. Ugu horrayn hanbalyo horudhaca waxaan u dirayaa guud ahaan ummadda Somaliland gudo iyo dibad-ba”.

Geesta kale waxa uu badhasaabku faray qaybaha maamulada degmooyinka gobolka Gabiley iyo dhammaan shacab-weynaha gobolkaasi inay u diyaar garoobaan xuska iyo karraamaynta maalintan qaran ee 18ka May.

“Waxaan kaloo aan farayaa qaybaha maamulada degmooyinka gobolka Gabiley iyo dhammaan shacab-weynaha gobolkani inay u diyaar garoobaan xuska iyo karraamaynta maalintan Qaran” ayuu yidhi C/qani Maxamuud Jiidhe.

 

 

 

Leave a Reply