Caqabadaha soo Foodsara Dadka la Nool HIV AIDS Ka

0
189

Wadamada ka hooseeya Sahara Afrika, waxaa jira xog yar oo ku saabsan caqabadaha ay wajahayaan dhalinyarada la nool HIV ee u gudbaya nolosha dadka waaweyn. Joornaalka la yidhaahdo BMC Public Health Cadadkiisa 76 ee soo baxay sanadki 2022 ayaa lagu daabacay daraasad ku saabsan Caqabadaha caafimaad ee maskaxda ee soo food saaray dadka waaweyn ee la nool HIV iyo nidaamyada taageerada ee caawinaya sidii ay ula qabsan lahaayeen.

Dadka waaweyn ee la nool HIV waxay caqabado kala duwan oo heerar kala duwana oo kaga yimaad dhanka dhaqan dhaqaale. Heerka shakhsiyadeed caqabdaha ugu weyn ee soo wajaha waxaa ka mida aqbalaada la noolanshaha xanuunka, qaadashada daawooyinka, culayska dhaqaale ee la xidhiidha helitaanka daryeelka caafimaadka, dhisidda xidhiidhka bulshada, dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda. Heerka qoyska, dhimashada waalidiinta, saboolnimada, iyo in aan la aqbalin ayaa ah caqabadaha sida guud ah lagu xusay.

Heerka Bulshada caqabdaha ugu waaweyn waxa ka mida ku adkaan dhexgalka bulshada iyo sugitaanka wakhtiga dheer ee rugta caafimaadka ayaa hoosta laga xariiqay. Dhaleecaynta HIV iyo

takoorka ayaa inta badan lagu soo waramey heerarka kala duwan.

Daraasad la sameeyey sanadkii 2014 Ayaa lagu saadaaliyey in marka la gaadho Sandka 2019, 1.7 milyan oo dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 19 sano ayaa la noolaa HIV adduunka oo dhan, halka 3.9 milyan oo dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 24 sano ay la noolaayeen HIV adduunka oo dhan. Inta badan dhalinyarada la nool HIV waxay hadda ku nool yihiin wadamada Saxaraha ka hooseeya Afrika. Tirada dhalinyarta la nool xanuunka waxay sii sare u uqadaysaa in uu ku faafo adduunka oo dhan sababta oo ah kordhinta cimriga nolosha ee waalidinta la nool xanuunka ee u soo gudbinaya caabuqaca carruurta aan cudurka qabin ee HIV-ga ee marin u leh daaweynta ka hortagga cudurka ( ART ) iyo heerarka sare ee cudurada ku dhexfaafaya dhalinyarta.

Caqabadaha Dhaqaale-Bulsheedka

Caqabadaha heerka shaqsiyeed

  • Aqbalaada heerka Lanoolaanshaha xanuunka HIV
  • Caqabadaha xidhiidhka guurka
  • Sheegista xaaladda lanoolaansho ee xanunka HIV
  • Caqabadaha caafimaadka maskaxda
  • Caqabadaha heerka qoyska
  • Geeri ku Timada waalidnimo
  • Saboolnimo
  • Caqabadaha heerka bulshada
  • ku adkaansho dhexgalka bulshada
  • Goobaha shaqada oo aan taageerayn dadka la nool xanuunka
  • Dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda
  • Niyad jab
  • dhiirigelin la’aan
  • kalsooni la’aan
  • xanaaq cadho badan badan
  • Dhibaatooyinka qoyska
  • Arimaha ugu caansan ee la xidhiidha dhibaatooyinka qoyska ee DLNX iyo dadka ay saameeyeen
  • Dhibaatooyinka guurka la.aan,
  • Isku dhaca qoyska, niyad jab,
  • Taageero la’aan qoyska,
  • Diidmada bukaanka xubnaha qoyska,
  • Dhibaatooyinka dhaqaale
  • In la xakameeyo guurka,
  • Diidmada bulshada ee qoyska bukaanka.
  • Dhibaatooyinka bulshada
  • Dhibaatooyinka bulshada ee ugu caansan waxaa ka mid ah:
  • Shaqo la’aan iyo baahida loo qabo shaqooyinka
  • Guri iyo hoy la’aan
  • Dhibaatooyinka dhaqaale;
  • Derbi jiifnimo
  • la’aanta bulshooyinka taageerada
  • Diyaariye: Hibo Moxamed Cige

 

Leave a Reply