Wufuud ka kala socotay Ruushka iyo Ukraine oo ku dagaalamay shir caalamiga ah

0
265

Gacan ka hadal ayaa dhex maray wufuud ka kala socotay Ukraine iyo Ruushka oo ka qayb gelayey shir caalami ah oo ka dhacayey dalka Turkiga Khamiistii. Ergadan ayaa markii uu dagaalku dhacay ayaa ku sugnaa Caasimada Turkiga oo ay kaga qayb galayaan Shir Madaxeedka Golaha Baarlamaanka ee dalalka ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Badaha Madow (PABSEC).

Muuqaalka dhacdadan oo la dhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya Oleksandr Marikovski oo ah xildhibaan ka socday dalka Ukraine oo sita calanka dalkiisa isaga oo jooga hoteelka uu shirku ka dhacayay ee magaalada Ankara.

Valery Stavitsky, oo ahaa xoghayaha wafdiga Ruushka, ayaa dafay ama la booday calankii Ukraine ka dibna wuu la baxayaa, waxa ka daba cararaya Oleksandr Marikovski, waxay kala jiidanayaan Calankii, ka dibna Oleksandr Marikovski, ayaa ka fara maroojinya xoghayihii waftiga Ruusha, waxaa ku soo cararaya ciidankii Ammaanka.

Oleksandr Marikovski oo Ukraine ayaa ayaa yidhi “Calankayaga waan ku dagaalamaynaa”..

Shir-madaxeedkan ayaa isu keenaya wakiillo ka socda 13 dal oo xubnaha ka ah agagaarka Badda Madow, waxaana ujeeddadu tahay in la horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo is-dhexgalka gobolka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu galay waji cusub, iyada oo Ukraine lagu wado inay qaado weerar rogaal celis ah oo xilliga gu’ga ah , halka Ruushku uu Ukraine ku eedeeyay weerar ay dhawaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu qaaday aqalka Kremlin-ka ee Ruushka.

Ruushka ayaa weerarka ku tilmaamay isku day dil oo aan lagu guulaysan oo ka dhan ah madaxweyne Vladimir Putin, wuxuuna ballan qaaday inuu ka aargoosan doono falkaas oo ay ugu yeedheen fal “argagixiso”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa beeniyay in dowladiisa ay wax door ah ku leedahay dhacdada.

“Ma weerarno Putin ama Moscow,” ayuu ka sheegay shir jaraa’id. “Waxaan ku dagaalameynaa dhulkeena. Waxaan difaacaynaa tuulooyinkayaga iyo magaalooyinkayada.”

Wakaalada wararka Ruushka eeTass ayaa ku sheegtay falka dhacay inuu ahaa isku day lagu khalkhalinayey khudbad uu jeedinayey Sarkaal ka tirsan Ruushka. Waxay kale oo sheegtay in Ergada Ukraine ay dhirbaaxeen Valery Stavitsky oo ahaa xoghayaha waftiga Ruushka loona qaaday cisbitaal.

Leave a Reply