Ilaalinta Sharciga Iyo Booliiska!

0
332

Xajaaj wuxu ahaa badhasaabkii wakhtigii Umawayiinta ee Ciraaq xukumayay, wuxuu ahaa nin dhib badan oo dilka dadku la fudud yahay.  Bulshadii ku noolayd Ciraaqna way neceen.  Waxa la sheegay inuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee abuuray ciidan Booliis ah.

Xajaaj ayaa soo saaray sharci ah iaan magaalooyinka habeenkii dad safar ahi aaany soo geli Karin, taasina ayaanu u adeegsday booliisii uu sameeyay oo habeenki  magaalooyinka gaaf wareegi jiray.

Booliiskaasi ayaa habeen qabtay nin reer miyo ah oo magaalada soo galay, waxaana ay ku yidhaahdeen “ Maxaa xiligan u keena miyaanad maqal amarka Badhasaabku soo saaray”?. Ninkii reer miyiga aha ayaa u sheegay in aanu maqal oo ay markan u dhaafaan, laakiin way ka diideen waxayna u sheegeen inay Xajaaj aroorta u geynayaan.

Markii waagii beryay ee loo geeyay Xajaaj, ayuu ka codsaday inuu cafiyo, laakiin arinkaasi waxa ka diiday Xajaaj oo sheegay in haddii la cafio ay dadku caado ka dhigan doonan sidaas darted la dilo ninkna si sharci ugu fulo.

Leave a Reply