Rabshadaha Manipur: 54 ayaa ku dhintay gobolka Manipur ee Hindiya

0
169

Ugu yaraan 54 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo isir oo ka dhacay gobolka Manipur ee waqooyi bari Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Rabshadaha ayaa billowday horraantii usbuucan ka dib isu soo bax ay sameeyeen beelaha asaliga ah oo ay kaga soo horjeedaan tallaabooyinka lagu siinayo maqaamyo gaar ah loogu sed kordhinayo qowmiyaddaha Qabaa’ilka ee ugu weyn gobolka.

Kooxo ayaa weeraray guryo, gaadiid, kaniisado iyo macbadyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu ay ka badan tahay inta la sheegay.

Ku dhawaad ​​10,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay barakaceen. Kumanaan ciidamo ah ayaa loo diray si ay u ilaaliyaan nidaamka.

Degmooyin dhowr ah ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la joojiyay isticmaalka internetka.

Gobollada deriska ah ayaa bilaabay inay ardaydooda ka daadgureeyaan magaalada Manipur, oo ku taal waqooyi bari Hindiya, una dhow xadka Myanmar.

Ciidanka ayaa sheegay in ay xaaladda gacanta ku hayaan balse xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Hinduuga ee BJP ee gobolka ayaa lagu eedeeyay in aanay samayn wax ku filan oo looga hortagayo rabshadaha.

Xubnaha bulshada Meitei, oo ah ugu yaraan boqolkiiba  50%  ka ah dadweynaha gobolka, ayaa dalbanayay in meeqaamka gobolka loogu daro qaybta Qabiilkooda oo la qorsheeyay muddo sanado ah.

Qorshahan Meeqaamka loogu kordhinayo Meiteis ayaa aad u walaac geliyey Qoomiyadaha kale.Heerkani wuxuu siinayaa Meiteis inay helaan dhulalka kaynta sidoo kale heerkani wuxuu u dammaanad qaadayaan qayb ka mid ah shaqooyinka dawladda iyo boosaska xarumaha waxbarashada.

Qabiilada kale waxay ka walaacsan yihiin inay lumiyaan gacan ku haynta guryaha kaynta awoowayaashood.

Salaasadii, kumanaan ka tirsan qabaa’ilka ka soo jeeda degmooyinka buuraleyda ah ee gobolka ayaa ka qaybgalay socod ay ku baaqeen Midowga Ardayda Qabiilka ee Manipur si ay uga soo horjeestaan ​​dalabka.

Maalin ka dib, isu soo bax kan la mid ah ayaa isku bedelay mid rabshado wata, iyada oo rabshado ay ka dhaceen degmooyin kale oo markii dambe ku fiday. Qolo waliba qolada kale ayay ku eedaynaysaa in ay qaska ka dhalatay.

Manipur waa qayb ka mid ah waqooyi bari Hindiya,waana gobol fog oo ku xidhnaanshihiisa dalka intiisa kale aad u yar tahay, waa dhul cidhiidhi ah kaas oo sanado badan oo rabshado u dhexeeya qowmiyadaha iyo kooxaha gooni u goosadka ahi ka jireen.

Waqooyi-bari waxaa ku nool tobanaan kooxood oo qabaa’il ah iyo ciidamo yar oo jabhado ah kuwaas oo dalabaadkoodu yahay madax-bannaani weyn ama in ay ka go’aan Hindiya.

Ugu yaraan 50,000 oo qof ayaa naftooda ku waayay iskahorimaadyada tan iyo markii kacdoonkii ugu horreeyay uu ka qarxay Manipur horraantii 1950-meeyadii.

Sanadihii la soo dhaafay iskahorimaadyadan waa ay yaraayeen, iyada oo kooxo badan ay heshiisyo la galeen New Delhi si ay awoodo badan u helaan.

 

 

Leave a Reply