Tuugo dukaan u dhacday oo xaday 200-kabood oo hal lug ah

0
205

Dembiilayaal ku sugan dalka Peru ayaa u muuqda in ay cagaha wax ka dayeen markii ay dhac ka geysteen dukaan kabaha lagu iibiyo.

Saddex qof ayaa jabsaday dukaanka ku yaal badhtamaha magaalada Huancayo waxayna la soo baxeen in ka badan 200 oo kuwa lagu ordo ah – laakiin dhamaantood waxay ahaayeen lugta midigta ah.

Milkiilaha dukaanka ayaa ku qiyaasay in ay ka lumiyeen ​​qiimo ka badan $13,000 Dollar ama(£10,000 ginni) – in kasta oo ay u suurto gashay in ay xadaan waxa laga yaabo inay ku dhibaato ka gaadho sidii ay u iibin lahaayeen.

Tuugada  ayaa ahaa kuwo farsamo cusub la yimi, waxay ku socdeen Baabuurta gacanta ee dadka curyaamiinta loogu tallo galay sida ay muujiyeen kamaradaha ammaanku.

Muuqaalku waxa uu muujinayaa dambiilayaasha oo saqdii dhexe ee habeenimo jabinaya dukaanka oo isticmaalaya saddex baaskiil ah kuwaas oo markii danbe ay ku qaateen sanduuqyadii kabaha.

Taliyaha booliska deegaanka Eduan Díaz ayaa u sheegay warbaahinta Peru: “Waxaan ka ururinay cadeymo goobta uu ka dhacay, Arinta aan caadiga ahayn ayaa ah in kabaha lugta midig oo kaliya laga xaday.

“Muqaalka iyo faraha, ayaa laga yaabaa inuu suura geliyo in la helo shakhsiyaadkaas”.

 

 

Leave a Reply