Ciidamada Dabdamiska oo soo Badbaadiyay Ilmo laba Jir ah

0
251

Hargeysa (Dawan) Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa shalayhalay soo badbaadiyay Ilmo yar oo laba jira, kadib markii uu ku dhacay Bullaacad taalada xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samatabixiyaan Bullaacada isagoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay.

Laba sanno ka hor Dhacdo noocan oo kale ah ayay ciidanku Ilmo yar isagana ka soo badbaadiyeen Musqul ku taala gudaha magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska Somaliland ayaa bulshada ka codsaday in ay markasta ka warhayaan xaaladaha ay ku suganyihiin caruurta yar yar.

 

Leave a Reply