Gabdhihii Chibok-Nayjeeriya oo soo noqonaya iyaga oo carruur wata

0
186

Ciidamada dalka Nayjeeriya ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in laba haween ah oo u afduubnaa gabdho iskuuley ah oo ay afduubteen koox mujaahidiin ah sagaal sano ka hor. Mid ka mid ah waxay haysataa ilmo sano jir ah halka midda labaad ay umushay ilmaheedii labaad maalmo ka dib markii ay xorriyadeeda qaadatay.

Hauwa Maltha iyo Esther Marcus ayaa ka mid ahaa 276 gabdhood oo iskuulay ah oo bishii April 2014 laga afduubtay dugsiga sare oo gabdhuhu oo ku yaalay tuulada Chibok oo ay afduubteen mintidiinta Boko Haram.

Waxaa bishii April soo badbaadiyay askarta Nigeria waxayna dib ula midoobeen qoysaskooda waqooyiga bari ee gobolka Borno, sida uu sheegay Major General Ibrahim Ali, oo hogaaminaya howlgalka ciidamada Nigeria ee ka dhanka ah rabshadaha xagjirka ah ee soo maray gobolka waqooyi bari in ka badan toban sano.

Dagaalyahanada Boko Haram ayaa sagaal sano ka hor xoog ku galay iskuulkaasi oo ku yaala gobolka Borno xili gabdhahan ay isku diyaarinayeen imtixaano. Afduubka baahsan ayaa dhaliyay cadho caalami ah wuxuuna horseeday ololaha baraha bulshada ee la magac baxay soo daaya Gabdhaha Chibok  #BringBackOurGirls.

In ka badan 20 ka mid ah gabdhahaasi ayaa xoriyadoodii dib u helay sanadkii la soo dhaafay, balse ku dhawaad ​​100 qof ayaa weli maqan.

Maltha iyo Marcus, oo labadooduba 26 jir ah, ayaa si qasab ah ugu guursaday kooxo xagjir ah, intii ay ku jireen gacanta, Cali ayaa u sheegay saxafiyiinta Khamiistii isaga oo ku sugan Maiduguri, caasimadda gobolka Borno. Faallooyinka uu soo jeediyay ayaa ka dhawaajiyay walaaca waalidiinta iyo dadka u ololeeya ay ka qabaan hablaha ay Boko Haram si xun ula dhaqmaan, kuwaas oo magacooda ku qoran luqadda Hausa ee maxaliga ah macnihiisu yahay “Waxbarashada reer galbeedka waa mamnuuc.”

Labadan gabdhood ayaa la guursaday saddex jeer  oo kala danbeeyey ka dib markii dagaalada lagu dilay Nimankii markii hore khasabka loogu guuriyey.

“Hauwa waxay lahayd uur ilaa siddeed bilood iyo laba toddobaad intii lagu jiray badbaadinteeda waxaanay umushay ilmo wiil ah 28-kii Abriil iyada oo si buuxda loo baadhayay iyada iyo ilmaheeda, Faadumo,” ayuu tidhi taliyaha milateriga.

Soo noqoshada habluhu waxay farxad iyo murugoba galinaysaa qaar badan oo ka mid ah bulshada Chibok.

“Waxay xusuus cusub ku kordhinaysaa waalidiinta in caruurtooda weli la la’yahay,” ayuu yidhi Xasan Chibok, oo ah hoggaamiye maxalli ah.

Dhowr gabdhood ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo intooda badan ka soo baxsaday keynta Sambisa, oo ah meel ay ku dhuuntaan kooxaha xagjirka ah.

Inta badan kuwa soo laabtay waxay dhaleen ilmo ka dib markii lagu qasbay guur ama ka dib markii ay lumiyeen rajo ah inay dib u heli doonaan xoriyadooda, waalidkood iyo in la sii dayn doon, sidaa waxa sheegay qaar ka mid ah Gabdhaha la soo daayey.

Tan iyo markii la afduubay 2014-kii, Boko Haram way kortay waxaanay yeelatayawood ay ku gaadho meelo kale iyo saameynteeda. Inta badan xubnahooda ayaa hadda u shaqeeya sidii koox ka sii naxariis daran oo ay taageerto kooxda dowladda Islaamiga ah. In ka badan 35,000 oo qof ayaa ku dhintay in ka badan 2 milyanna waa ay ku barokaceen rabshadaha xagjirka ah ee Nigeria, sida ay sheegtay barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay.

Leave a Reply