Xukuumadda oo bilaabaysa baadhista shaybaadhka Cuntada Dawada iyo Agabka (Cosmatics)

0
152

Hargeysa (Dawan) Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa sheegtay in ay bilaabayso wajigii labaad ee baadhista Cuntada,Dawada iyo Agabka laysku qurxiyo(Cosmatics).

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in ay soo dhamaatay wajigii koowaad ee tijaabadii lagu baadhayay badeecado kala duwan,isla,markaana aan la ogolaan doonin in Dekeda Berbera ka baxdo agab aan soo marin shaybaadhka qaranka.

Waxaana uu u dhignaa sidan.” Ujeedo: Wargelin Muhiima. Hay’adda Dhawrista Tayadu iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda Qaranka ay masuulka uga tahay ee ku xusan xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada xeer Lr:68/2014 qodobadiisa 34aad, 35and iyo 36aad isla markaana hirgelisay shaqada shaybaadhka qaranka ee hubinta Tayada Cuntada, Daawada, Agabka laysku quxiyo(Cosmetics) iyo dhamaanba agabyada dalka gudihiisa laga soo saaro kaas oo ay soo dhamaatay wajigii koowaad ee shaqada shaybaadhku isla markaana ka baxay tijaabadii oo lagu baadhay tiro badan oo badeecado kala duwan halkaas oo kor looga sii qaadi doono.

Haddaba waxa dhamaan lagu wargalinayaa ganacsatada wax kala soo dega dekada berbera in shaybaadhku bilaabayo wajigii labbaad ee baadhista Cuntada,Daawada iyo Agabka laysku qurxiyo(Cosmatics) taas oo aan la ogalaan doonin in ay dekeda ka baxdo agab aan sidan warqada natiijada shaybaadhka qaranka ama warqada CoC(cotecna), anaga oo ilaalinayna bad-qabka Bulshada, laga bilaabo 25/05/2023 waxa aanu mar labaad Ganacsatada faraynaa in shaqaalaha shaqadaa u xilsaaran ay ku gacan siiyaan gudashadeeda fuliyaana wixii waajibaada ee dhinacooda ku xidhan ee uu dhigayo Qodobka 43aad ee xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada xeer Lr: 68/2014.

Sidaa si la mida waxa aanu masuuliyiinta iyo Hay’adaha ogta ku leh wareegtadan ka codsanaynaa in ay Gacan ku siiyaan shaybaadhka qaranka ee Hubinta Tayada Gudashada waajibaadkiisa qaran.

Allah Mahad Leh.

Mukhtar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Ta

Leave a Reply