“Waajibaadka Wasaaradda ayay kow ka tahay sidii Dastuurka loo bari lahaa bulshada” wasiirka Dastuurka

0
189

Hargaysa Dawan): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa sheegay in ay masuuliyadi ka saaran tahay sidii bulshadda loo bari lahaa dastuurka iyo wadaniyadda.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu tilmaamay in waa jibaadka wasaaradda ayey ka mid tahay sidii Dastuurka iyo Waddaniyada loo bari lahaa qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Si ay dadkeenu u noqdaan kuwo faham buuxa ka haysta shuruucda, iyo xeerarka dalka, isla markaana ilaaliya ku dhaqanka iyo waajibaadka qawaaniinta dalka.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sidan ka sheegay shalay hadal uu ka jeediyay munaasibad tababar ku saabsan barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda oo shaqaalaha wasaarradaha dawladda qaarkood loogu qabtay magaaladda Hargaysa.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Qaran waliba wuxuu leeyahay dastuur, iyo shuruuc uu ku dhaqmo. Dastuurkeenuna marka loo eego dastuurada ka jira ama ay leeyihiin wadamada caalamku ama Geeska Afrika ba, marka la bar-bar dhigo, waxaa lagu qiyaasay inuu yahay dastuuradda ugu qiimaha badan”.

Wasiirku waxa uu sheegay in samaynta dastuurka Somaliland uu lahaa Alle ha u naxariistee madaxweynihii Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

“Dastuurkeena oo samayntiisa, iyo nuxurkiisa ba aan uga amahd celinayno madaxweynaheenii hore AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo isagu sameeyay wax badan oo maanta bud-dhig u ah qarankeenna.

Waajibaadka wasaaradda ayay koow ka tahay sidii dastuurka qaranka loo gaadhsiin lahaa bulshadda. Si loo barto, oo dadka loogu dhaqo, dabadeed na loogu dhaqmo. U jeedadda aynu isugu nimid waxa weeye, in aynu xaqiijino inaad si aqooneed u qaadataan tababarkani kooban” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Geesta kale wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka JSL waxa uu ku dheeraaday dedaaladda ay shantii sanadood ee u danbeeyay ka sameeyeen sidii barashadda dastuurka iyo wadaniyadda bulshadda loo bari lahaa.

Waxaanu sheegay in markii waaxda dastuurka lagu soo daray wasaaradda in ay qaadeen tallaabooyin kala gedisan oo ay u jeedadoodu ahayd in qaybaha kala duwan ee dadka reer Somaliland la barro dastuurka iyo shuruucda ka farcama.

Si ay bulshadda u gaadhsiiyaan dastuurka iyo shuruucda ka farcama ayuu wasiirku sheegay in waxyaabaha ay u isticmaaleen ay ka mid tahay noocyadda kala duwan ee warbaahinta, iyo baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu xusay in wasaarad ahaan ay u qorshaysan tahay sidii mustaqbalka dheer loogu gudbi lahaa in tababaro loo qabto shaqaalaha dawladda, iyo qaybaha kale ee bulshadda.

Sidaas darteedna ay hiigsanayaan in manhajka waxbarashadda dawladda ee dugsiyadda hoose, dhexe, sare, ilaa heer jamacadeed lagu darro xiisad ama maaddo lagu barto barashadda dastuurka, uyo waddaniyadda.

 

Leave a Reply