Maalin ayuu Imaam Maalik sidii caadada u ahayd soo fadhiistay Masjidka Nabiga (scw) , isagoo ka ardayda u dhigaya axaadiistii Rasuulka csw, dhamaantoodna waa ay dhegaysnayeen.
Laakiin mar keliya ayuu nin ku dhowaaqay “ Maroodi wayn baa soo galay magaalada, Reer Madiina horay uma aydaan arkin maroodi kaalaya daawada ..
Markaasay ardaydii oo dhammi u yaaceen si ay u arkaan una daawadaan maroodiga, waxaana ay ka tegaan Imaam Malik iy casharadii u Axaadiista ee u socday…marka laga reebo willka Yaxye bin Yahya Al-Laithi oo isagu keligii iska fadhiyay.
Imaam Maalik oo la yaaban ayu ku yidhi “ maxaad adiguna ula bixi weyday? Ma hore ayaad u aragtay Maroodiga?
Yaxye waxa u uku jawaabay “ Hoe uma aan arkin, laakiin waxaan Madiina u imid inaan Malik arko, oo aan wax ka barto, umaan iman inaan arko Maroodi”.
QIsada waxa ay ina tusaysaa in Ardayda Imaam Maalik wax ka baranayay uu garanayo sababta uu u yimida iyo hadafkiisu waxa u yahay. Sidaa awgeed iskuma kuma mashquulin maskaxdiisa iyo timartiisa waxaan ujeedkiisa ahayn. Halka dhamaan ardayda kale ay daawasho ugu bexeen. Bal farqiga u dhexeeya u fiirso.
Qisada Maalik ka weriyay Imaam Yaxye waa midaasi xusan ee taariikhda gashay halka dhamaan ardaydii kale aan taariikhda magacyadooda lagu xusin.
Kitaabka : Sir A’lam al-Nubala’ oo uu qoray al-Dhahabi,
Juska Tobnaad, Bogga Lambar 521